Mashruuca Biyo Ballaadhinta Boorama oo Dib u Bilaabmaya iyo Wasiirro Booqday

0
457

“Ragga diidan biyo gelintu waa ragga saddexda jeerba biyaha ku maydha” Wasiir Maxamed Kaahin

 

b

Qore Khadar M. Xaashi

Borama (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmiya u fasaxday mashruucii biyo ballaadhinta magaalada Boorama, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey hakad ku jiray.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u bilaabayaan mashruucii biyo ballaadhinta ee muddada hakadka ku jiray.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Maxamed Muuse Diiriye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Halkan imika Taangigi weyn ee la doonayay in biyaha lagu gaadhsiiyo magaalada, iyo intiinanba waa laga qodayaa, waxa waxaasi ka dhaceen ee dhibaatada intaa le’eg ee halkaasi isugu kiin keentay annana aanu u soconaa ay ka timid, waa noloshiii oo waa biyihii, maanta (shalay) waxyaabaha aynu maqleynaa waxaynu aqbali kareyno iyo wax aynu maqalnay midna maaha, waxaa loo baahan yahay ee aanu u soconaa waxaa weeye biyihii waanu idiin bilaabaynaa, ee inamadda doonaya nolosha inay dadka ka baabi’iyaan cidii soo qabanlahayd waa idinka”

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan maatadda biyaha laga burburin waxaanu yidhi “Meeshii biyo jiraan ayay nololina jirtaa maynaan hidisaynin ama maynaan fileynin barnaamij intan leeg, oo bulshadda intan leeg ee goboladda ugu waaweyn iyo dadka kale ee la xidhiidha noloshoodii biyaha la burburinayo, ragga diidan biyagelinta halkani waa ragga saddexda jeerba biyaha ku maydha, yaan dadkan leysugu soo gabbanine, xisbiyo siyaasiya ayaynu leenahay oo ninku dawladda mucaarid ayuu ku noqon karaa ee yaan maatadda biyaha laga burburinin,

“Mashruuci wuu taagnaa, aan idiin sheegee wuu joogsan gaadhay oo waa lagu guntadday, sida meelo kale oo badanba uu uga noqday ayuu u noqon gaadhay, nabadgeliyadda ilaaliya, haddii aynaan inamadda qarsaneyn weynu qaban kareynay, waar sharaftii leynagu yaqaaney way dhaawacantaye aynu sharaftii soo noolayno,”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshaddaha iyo dalxiiska mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin.

Leave a Reply