Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo Aasaastay Koox Magaceeda ku Ciyaaraysa

0
504

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimha dastuurka Somaliland, ayaa markii ugu horrsay shaacisay koox kubadda cagta ah oo ku ciyaari doonta magaca wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayay kooxda ku ciyaari doonta magaca wasaaradda, ayay ka qoo qayb galeen wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, Agaasimaha Guud Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaga Dastuurka Mudane Jamaal Cabdi Muuse ,Guddoomiyha Guddidada Xuquuqul Insaanka Qaranka Mudane Maxamed Baaruud iyo Agaasime Waaxeeda Wasaaradda iyo Madax Kala Duwan, Bahda Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland, Maamulka, Ciyaartoyda iyo Macalimiinta Kooxda.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha mudane Boos Mire Maxamed oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa yidhi “Halkan waxaa aanu ku fulineynaa siyaasadda madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo ballanqaaday in kor loo soo qaado, dhallinyaradda iyo ciyaaraha, waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba aan u mahad naqayaa wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, iyo madaxda wasaaradiisa oo ah masuuliyiin laf dhabar u ah hawlaha dhalinyaradda”

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ka hadlayay kooxda u ciyaari doonta wasaaradda, ayaa yidhi.“Waddankeena oo lagu qiyaaso in boqolkiiba shan iyo todobaatan ay dhalinyaro yihiin, haddii aynu dooneyno dalkeena in aynu badbaadino, haddii aynu dooneyno in aynu horumarino, bulshadda ugu badani waa dhalinyarada oo waa boqolkiiba shan iyo todobaatan ee aynu dhalinyaradda horumarino, hadday tahay heer aqooneed, waxbarashada iyo tayeynteeda hadday tahay heer shaqo abuur, oo madaxweynaheeunu bilaabay barnaamijka shaqo Qaran, sida aynu ciyaaraha u baraneyno dastuurkana aynu u barrano.

Magaca wasaaradda in lagu ciyaaro wax weyn nooma sii aha, laakiin waxa wax weyn noo ah in aynu wax wada qabsano, oo aynu muujino midnimaddeena, iyo ka qayb qaadashadeena inta innagu beegan dalkeena iyo dadkeena”

 

 

Leave a Reply