Gudoomiyaha Guurtida oo ka Hadlay Wararka sheegyaa In Raysal Wasaaraha Itoobiya uu Hargeysa keenayo Farmaajo

0
488

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa, (Dawan)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ugu baaqay Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya in aanu Hargeysa keenin madaxweynaha dalka Soomaaliya, waxaanu xusay in Abiy Ahmed uu ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isaga oo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, taas oo dawladda Somaliland diidan tahay.

Saleebaan Maxamuud Aadana ayaa xusay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu mar walba ku celinayey inaanu soo raacin madaxweynaha Soomaaliya, balse haddii uu Somaliland imanayo uu iskii u yimaado.

Guddoomiyaha golaha guurtidda mudane Saleebaan Maxamuud Aadan isaga oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Madax bannaanideena waxa ku fadhiyaa waa Soomaaliya iyo dawladaha Carbeed oo Farmaajo la socda, Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay isa soo raacayaan madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Somaliland na waxa uu u sheegay in aanu imanin haddii uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya, oo kun jeer buu u sheegay in aan la soo dhoweynayn haddii uu yimaado, markii madaxweynuhu soo noqday hadana waxa uu soo faray wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waan imanayaa Hargeysa annaga oo wada soconna, waxaanu leenahay Abiy ha noo keenin, Farmaajana waxaan leenahay ha noo iman, laakiin hadii isago oo xambaarsan uu yimaado maxaynu yeelaynaa, dee midna waynu soo dhoweyn midna soo dhoweyn mayno, ilayn innaga daaya uun baynu haynaaye, hadii uu la yimaado dili mayno laakiin madaxweyne uma ictiraafsanin ee nin Soomaaliyeed oo Abiy la socda uun ha noqdo.”

Dhinaca kale guddoomiye Saleebaan waxaa uu sheegay in ay dawladda Carbeed iyo Soomaliya ay hortaagan yihiin in Somaliland la ictiraafo, balse xukuumadda iyo golayaashu aanay waxba ka hagraneyn waxaanu yidhi “Ina Ictiraafimaayo hadalkana iska dhigi maayo, isaga oo iska aamusa ayaa la qaatay, laakiin waxaa aanu leenahay waar Ictiraafkan waxa nagaga ba’ay ma jiraane, innagu hadii aan is ictiraafno maxaad ka qabtaan? Yeynaan dhexdeenana tuhmin, Saleebaan iyo Muusena way diidan yihiin intayada kalena waan ogolahay waa meeshu maahe walaahi waynu wada dedaaleynaaye weynu gaadhi la’nahay, Carab iyo Soomaaliya ayaa hortaagan wax kale oo hortaagani ma jiro”

Leave a Reply