SOHASCO iyo CLIMAX oo Tababar u soo Xidhay Arday Baratay Cilmiga Qoraalka Mashaariicda iyo Warbixinaha

0
620

Hargaysa (Dawan)- Xarunta Cilmi-baadhista iyo Tababarka xirfaddaha ee CLIMAX iyo ururka dhalinyaradda mutadawiciinta ee SOHASCO ayaa tababar u soo xidhay 18 dhallinyaro ah oo iskugu jira gabdho iyo wiilal.

Tababarkan oo ku saabsanaa qoraalka mashaariicda iyo qorista warbixinaha (Proposal Writing and report writing), ayaa socday muddo laba toddobaad ah, waxaanu ka qabsoomay xarunta tabarrada ee SOHASCO Youth Centre.

Munaasibaddii lagu soo xidhayey tababarkan waxaa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha CLIMAX Mudane Guuleed Maxamed Yaasiin iyo Agaasimaha Fulinta ururka SOHASCO Mudane Cabdirisaaq Xuseen Jaamac. Ugu horrayn, waxa kulankaasi ka hadlay Mudane Guuleed Maxamed oo isla markaana ahaa Macallinka tababarka bixinayey, isagoo ardayda uga mahad-celiyey sidii fiicnayd ee tababarka u qadanayeen mudadii uu socday iyo siday wakhtiga u ilaalinayeen, waxaa kale oo uu ardayda uga warramay muhiimadda ay leedahay aqoonta ay halkan ku qaadanayeen muddadii labada toddobaad ahayd ee tababarku u socday iyo sida maanta loogu baahan yahay dad leh xirfadda qoraalka mashaariicda iyo qorista warbixinaha (Proposal Writing and report writing Training), waxaanu kula dardaarmay inay dadaalka halkaasi ka sii wadaan ayna ku dadaalaan markasta sidii ay aqoontooda iyo xirfadahoodaba kor ugu qaadi lahaayeen.

Sidoo kale, Agaasimaha Fulinta ee ururka SOHASCO Mudane Cabdirisaaq Xuseen Jaamac, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu ardayda uga warramay dhibka ay kala kulmi jireen barigii ay bilaabeen ururrada ee ka haysatay qoraalka Mashaariicda iyo Warbixinta diyaarinteeda, waxaanu xusay siday caqabaddaasi ula halgamayeen oo ay aqoontii barteen, isla marknaana ay maanta marayaan in ay soo saaraan dad xirfaddaasi leh, si looga gudbo dhibkaasi ay soo mareen oo aanay dhallinyarta shaqadoonka ahi ula kulmin.

Ugu dambaytii, waxaa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardaydii tababarkaasi dhammaysatay

Leave a Reply