Xukumadda Somaliland oo Beenisay in uu Farmaajo Imanayo Hargeysa

0
533

“Inuu Farmaajo imanayo Hargeysa runtii waa riyo iyo hawlgal aan suurta gal aheyn” Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debada

 

“Ma Jiro wax shir ah oo ku saabsan imaatinka Farmaajo ee Hargaysa oo golaha wasiiradu yeesheen” Xoghayaha Golaha Wasiirada

 

 

 

Qore Saciid Cagjar

Hargeysa (Dawan)-, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beenisay in Madaxweynaha dalka Soomaaliya uu imanayo Magaalada Hargeysa. Kadib markii warar ay baahiyeen qaar ka mida warbaahinta dalka Soomaaliya ay ku sheegeen in Farmaajo booqanayo Magaalada Hargeysa isaga oo uu weheliyo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo aanay waxba ka jirin. Sida uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay bartiisa Twetter-ka. Waxaanu yidhi “Inuu Farmaajo imanayo Hargeysa runtii waa riyo iyo hawlgal aan suurtagal aheyn, xukuumada Somaliland waxey u taagan tahey iney Difaacdo Madaxbannaanideeda iyo jiritaanka xuduudaheeda, wax kasta oo ay ku kaceyso.

Waxaan u mahad celinayaa shacabka reer Somaliland ee waddaniyada iyo qiimaha badan,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf.

Sidoo kale, Xoghayaha golaha Wasiirada Somaliland Jamaal Maxamed, ayaa isna beeniyey in golaha wasiirada Somaliland ay kulan ka yeesheen imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in golaha wasiirradu ogolaaday in Madaxweyne Farmaajo Hargeysa kasoo dego.

Xoghayaha golaha Wasiirada Somaliland Jamaal Maxamed, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu ydihi “Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland wax shir ah oo ku saabsan imaatinka Farmaajo ee Hargaysa may yeelan. Warka baraha Bulshada lagu qoray ee sheegaya in Goluhu shiray waa war aan sal iyo baartoonna lahayn oo aan waxba ka jirin.”

Dhinaca kale, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warqad rasmi ah u dirtay Dawladda Itoobiya, qoraalkaasi oo lagu muujiyay in aanay Somaliland ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Warqaddaasi ayaa nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, in aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay Hargeysa ku soo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah.

Warqadda xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa shalay la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Itoobiya, sida la xaqiijiyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa toddobaadkan gudihiisa in uu la hadlo labada gole ee Baarlamaanka Somalialnd, isla-markaana uu faahfaahin ka bixin doono kulamadii uu madaxda Afrika kula yeeshay Magaalada Addis Ababa.

 

Leave a Reply