Xaflad Aroos Ayuu Ugu Duceeyay Samir Iyo Iimaan

0
1115

Cullimadu ardaydooda Naxwaha waxaa ay ka waaniyaan in Duco Nabi oo weliba tilmaamaysa laba qodob oo wanaagsan ‘Samir iyo Iimmaan’ in aan madalaha qaarkood laga jeeddin,. Hadda Samir iyo Iimaan qofkii Illaahay ku galladaa waa wanaag oo la islama diidanin. Haddana waxaa Balaaqadu inna baraysaa inaan lala taggi karrin ama laga jeedin karrin Xaflad aroos tusaale ahaan.

Haaheey, Marka la barannayo aqoonta la xidhiidha sirta erayga/qiimaha haddalka ama aftahamadda waxa aad loo tix geliyaa oo muhiim ah, Golaha aad ka hadlayso, goorta aad ka hadlayso, Xubinta erayga aad ku hadlayso iyo sida aad u hadlayso intaba, Soomaaliduna waxaa ay ku maah-maahdaa ‘hadal waliba hoos leh’ ‘Hadal aan fiiro loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhamin feedhahey wax yeelaan.’

Ta kale, Islaamku aad ayuu u xoogeeyay qodobkan wanaagga haddalka Wargeyska Dawanna waxaa todobaadkii hore ku soo baxay qormo intan si kooban uga hadlaysa oo ahayd.

In Rasuulka Allah (scw) uu xadiiskan soo socda ku tilmaamay odhaahda iyo qiimaha ay u leedahay qofka Muslinka ah waxaana uu yidhi:

“Adoonka Allah iimaankiisu ma toosnaado , xaqana kuma qumanaado ilaa uu qalbigiisu toosnaado, qalbigiisuna ma toosanaado ilaa uu carabkiisu toosnaado ( hadalkiisu fiicnaado)”. waxa weriyay Axmed.

Xadiiskani waxa uu tilmaamaya kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaato hadalka wanaagasan iimaanka iyo kobcintiisa, isla markaana wuxuu astaan u yahay hadalka fiicani inuu wanaagsan yahay qofka qalbigiisa iyo iimaankiisa. Ka sokow ummada kale.

Waxaa Qallinku ku xasuustay oo maalmahan aad loo hadal hayay Madaxweyne Farmaajo hadal uu jeediyay, kaas oo nuxurkiisu isku mulaaqnaa oo dhinac uu ku qiray dhibaataddii dawladdii Somalia gaadhsiisay shacbiga reer Somaliland. Dhinacna uu xoogaggii iska caabinayay kaga dalbaday cudur-daar. Si aan Qallinku u taxliilin Muxuu yidhi. Kuye, “Waxa loo baahan yahay garowsho iyo in wixii xumaa ee dhacay la iska cafiyo, wixii chapter [qeyb] madow ahaa oo taariikhdeenna galay inaan saxno. Macnaheedu waxay tahay, dhibkaas ka dhacay Waqooyi inaan cudur-daar ka sameyno, inaan raalligalin ka sameyno, dadkaas walaalaheenna ah intii dhimatay iyo intii dhaawacantay aan nidhaahno taariikh xun bay ahayd, waa wax aan soo marnay,” ayuu yidhi Farmaajo oo ka hadlayey shir-sannadeedka Garsoorka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho maalintii Khamiistii.

Waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Runtii wixii halkaas ka dhacay sababtii ka dambeysay ma ahayn Koonfur oo Waqooyi ku duushay, wax qabiil ku saleysanna ma ahayn, waxay ahayd system (nidaam) dowli ah oo markaas jiray.”

“Anigoo madaxweynihii Qaranka ah inaan cudurdaarkaas sameeyo oo raaligelintaas aan gaadhsiino walaalaheen reer Waqooyi, idinkuna aad ila qaadataan. Dhanka kale dadkii qoryaha watay ee dagaallamayay iyagana laftooda cudurdaar baa laga rabaa,” ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxweynihii isaga ka horeeyay Xassan Sheekh Maxamuud sidan ugama hadal waana ka duwanaa oo ugu yaraan Magaca Somaliland waa uu xusay muxuu yidhi isna. “Cudur-daar Looma Hayo Dhibtii Taliskii Siyaad Barre kagaystay Somaliland.. Dad Soomaali ah ayaa Lacagtii cashuurta ahayd ee laga qaaday qalabkii lagu soo iibiyay lagu gumaaday, arrin Xanuun badan weeye.”

Wixii halkaas ka dhacay, waa na gubaysaa aadna waan uga murugoonaynaa dhowr jeer oo horena waan idhi.waan ku celinaynaa aad bay noo gubaysaa dawladdii Xiligaas jirtay ayaana sameysay falkaas, dawladda Maantana anniga ayaa madax ka ah, dawlad danbe oo waxaas oo kale ku kacdaa inay mar kale ummada ku soo noqoto wax kasta oo dhacaba maaha. Xanuunkaasi iyo dhibkaas dhacayna wax aayar la iloobi karro maaha waqti dheer buu u baahan yahay.” Xassan Sheekh waa uu sii waday mar uu ka hadlayay wadda hadaaladii u bilaabmay Somaliland waxaa uu qiray in Somaliland ka duwan tahay oo ka Koran tahay dhinac kasta Somalia., waxaana uu yidhi “Somaliland waxaa ka socda horumar badan annaguna duruufo gaar ah ayaan ku jiraa. Wadda hadalna waa jiraa, waxaana ay ka mid tahay horumarka la gaadhay in la wada hadlo.”

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar ayaa isna mar uu ka hadlayay maamul wanaaga iyo nooca laga rabbo hoggaamiyaha waxaa uu tilmaamay in aan loo baah nayn in ummad dhiigeeda lagu banaysto difaac Qaran. Waxaana uu yidhi. “Inta shacab Soomaaliyeed bambooyin iyo diyaaraddo lagu duqeeyay ayaa la lahaa qaranimo Soomaaliyeed ayaanu ilaalinaynaa , siddeed u illaalinaysaa markaad Hooyo Soomaaliyeed oo ubadkeedii Jiidaysa oo kaa cararaysa aad Madaafiic la dhacdo…. In aad tidhaa qarannimo ayaan illaalinayaa waa hadal wanaagsan, laakiin, ficilkaaga natiijadda ka dhalata ayaa ka turjumaysa Xumaan iyo samaan waxaad tahay ama mabda’aagu yahay.”

Marka ay sidaas tahay in bandanna qallinku jeeddaaliyay jawaabtii shacabka, waxaa soo baxday maadaama Ummaddu sidii xeerbeegtida garta dhaqanka qaadda ay tahay carrab eegato oo wax ku xukunto wixii afkaagga aad ka tidhaa, waxaa uu natiijaddii hadalkaagu noqotay Mudane Madaxweyne haddalkaagu nooma cuntamo;e, saaf oo ugu yaraan cudur-daarka bal ka reeb. Ta kale raacii in la maxkamadeeyo danbiilayaashii geystay gullufka foosha xun.

Sheekaddan kale ee la xidhiidha in Farmaajo ku soo dhuumanayo oo soo raacayo Raysal-wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, waxaa aynu u deynaynaa oo ka sugaynaa Xukuummada aynu dooranay iyo jawaabta ay ka bixiso Wasalaamu Calaykum.

Leave a Reply