Dawalada Liibiya Oo Sheegtay Inay Ka Baxayso Wada Hadalada Nabada ee Geneva

0
532

Liibiya(Dawan)- Dowlada qaramada midoobay taageerto  dalka liibiya ayaa sheegtay inay joojinayso wadahadalada Nabada ee ay Geneva, ka dib markii xoogaga Khaliifa xaftar ay madaafiic ku garaaceen magaalada caasimada ah ee Tripoli.

Qoraal ay soo saareen goor dambe oo xalay  ah, xukuumada fadhigeedu yahay Tripoli ayaa lagu sheegay inay si adag uga jawaabi doonaan weerarka kaga yimi dhinaca khaliifa xaftar.

Xoogaga janaraal Khaliifa Xaftar ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku sii dhawaanayay caasimada dalka Liibiya Ee Tripoli halkaas oo hada xarun u ah Dawlada uu hogaamiyo Fayis Mustafa.

Dawannews Hargeysa officce

Leave a Reply