Madaxweyne Muuse oo Faahfaahiyay Hadal-haynta In Farmaajo Imanayo Hargaysa iyo Kulankii Addis Ababa

0
588

“Suurtagal ma aha mana ogolin, Farmaajo waxa uu iman karaa Hargeysa kaliya marka uu ictiraafo qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland”…

 

 

“Kala Quusanaye Qoomamo la’aada…” Madaxweynaha Somaliland

 

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyay in isaga iyo madaxweynaha dawladda Soomaaliya 11-kii bishan uu kulan ku dhexmaray xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Kulankaasi oo ahaa mid aan hore loo sii qorshaynin, isla markaana ahaa mid kedis ah, uu ka danbeeyay Ra’iisal Wasaaraha dawladda Itoobiya Abiye Axmed, oo codsaday in uu dhex-galo arrinta u dhaxaysa Somaliland iyo dawladda Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka aqbalay soo jeedintiisa ah in uu soo dhex-galo arrinta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana loo ballamay wakhti danbe in la guddo gallo ajendaha.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidan ka sheegay khudbad sannadeedka dastuuriga ah oo uu shalay ka hor jeediyay golaha baarlamaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi waxyaabihii uu khudbadiisa kaga hadlayna waxaa ka mid ahaa, kulankii dhawaan magaaladda Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo sidii uu ku yimid, waxa uu yidhi, “Waxaynu wada ogayn in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya muddo hakad ku jiray. Hase yeeshee, 11-kii bishan February 2020-ka, ayaa aniga iyo madaxweynaha Soomaaliya, si kedis ah ugu kulannay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

9-kii isla bishan February 2020-ka, waxaan safar shaqo ugu baxay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si aan u xoojiyo wefti uu hoggaaminayay wasiirka Arrimaha Dibedda, oo ka ololaynayay wufuudii shirka 33-aad ee Midowga Afrika iskugu timid. 11-kii isla bishan February 2020-ka, waxaa igu marti-qaaday xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiye Axmed.

Salaan, soo dhawayn iyo kulan kooban kadib, waxa uu ii sheegay in madaxweynihii Soomaaliya uu isna soo galayo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in yar kadib. Halkaa ayuu ka bilaabmay kulan kedis ah, oo saddex geesood ah, oo aan hore loo sii qorshayn, oo na dhexmaray saddexdayadda.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu soo jeediyay in uu dhex-galo dhibaatadda dhex-taala labada dal ee jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay tahay qadiyad ka aloosan gobolka Geeska Afrika, oo uu Ra’iisal Wasaaruhu-na u ololeeyo nabadda, horumarka iyo Iskaashiga gobolka Geeska Afrika”.

Madaxweyne Biix, oo hadalka sii watay waxa uu sheegay in loo balamay sidii loo guddo geli lahaa wadahadalka, maadaama oo ay jireen dawlado dhawr ah oo hore ugu dhex jiray wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

“Dabcan, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah shakhsi ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka ee (Noble Peace Price), isla markaana hoggaamiya dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika; Somaliland ahaan waanu aqbalnay soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Kulanku intaas ayuu ku ekaa.

Waxa loo ballamay in faah-faahinta iyo ajendaha la galo wixii intaa ka dambeeya. Waxa jira dawlado kale oo iyagu-na hore ugu hawlanaa wada-hadalka jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, kulanka Ra’iisal Wasaaraha lagagama wada-hadal wax tafaasiil ah oo ku saabsan cidda ka qayb noqon doonta wada-hadalka, waxaanu ku koobnaa kulankaasi soo-jeedin iyo aqbalaad”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Geesta kale madaxweyne Biixi, waxa uu soo dhaweeyay raali gelintii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, 13-kii bishan ka bixiyay xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland.

Raali gelintaasi oo uu ku tilmaamay madaxweynaha Somaliland tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca nabada. Inkasta oo madaxweyne Biixi, uu saluug ka muujiyay erayo ka mid ahaa hadalkii raali gelinta Farmaajo.

Waxaanu yidhi, “13-kii bishan February 2020-ka, madaxweynaha Soomaaliya ayaa raali-gelin ka bixiyey xasuuqii ay dawladdii la odhan jiray Somali Democratic Republic u geysatay shacabka Somaliland.

Marka laga reebo weedha ah, ‘Kuwii Qoryaha Qaatay, iyaga-na cudurdaar ayaa laga rabaa’, taas oo ah in dambiga loo qaybiyo dawladdii dhagarta gaysatay iyo shacabkii ka dhiidhiyay Xasuuqa ay dawladdu waday, waan soo dhawaynayaa raali-galinta, waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca nabadda”.

Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay arrinta hadal haynta badan keentay ee lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo wada socdaa ay safar ku imanayaan Somaliland.

Taas oo uu ku tilmaamay madaxweynaha Somaliland mid aan suurto gal ahayn, isla markaana aanay sinaba u ogolaan akrin. Isla markaana Shuruucda caalamiga ah, curfiga dawladnimadda iyo caqliga saliimka ah midna aanu ogolaan Karin.

Waxaanu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Somaliland iman karo oo keliya marka uu aqoonsado jamhuuriyadda Somaliland. Isagoo tusaale ugu soo qaatay sida aanay arrintaasi u dhici Karin sadarro ku jiray gabay uu lahaa ALLE ha u naxariistee Faarax Nuur.

“Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Hargeysa, suurtagal maaha, mana ogolin. Sababtoo ah, sharciga Caalamiga ah, curfiga dawladnimo iyo caqliga saliimka ahiba, waxay isku raacsan yihiin in aanu madaxweyne dalkiisu gaystay dambiyada iyo xasuuqa intaa le’eg, in aanay suurtagal ahayn in uu booqasho ugu tago dadkii iyo dalkii dambiyada loo gaystay”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu iman karaa kaliya Jamhuuriyadda Somaliland marka uu ictiraafo qarannimada jamhuuriyadda Somaliland.

Hadal haynta imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya iyada oo ay duruufahaasi jiraan, waxay jawaabteedu noqonaysaa, gabaygii Faarax Nuur ee ahaa:

‘Qosol Been ah, Fool Wada Qayaxan, Qiil aan Garanaayo,

Booraan Afkii laga Qafilay, Qabarna Hoos Yaalo,

Doqon baa Halkii Lagu Qatali, Qoorta Soo Dhigane,

Ma Anigaa Middiyo La ii Qarshaa, La igu Qali Doono,

Qoontiiba Lama Baananine, Qare Yaraa Nabaddu,

Waar yaadha Kala Quusanaye Qoomamo la’aada.”

 

Leave a Reply