Maxkamad ku taalla Mareykanka oo Xukun ku ridday Nin dilay Darawal Soomaali ah.

0
464

Pittsburg (Dawan)- Maxkamad ku taalla Magaalladda Pittsburg ee Gobalka Pennsylvania ee dalka Mareykanka ayaa lasoo taagay Danielel Russell oo ku eedyesan in uu dilay Darawal Soomali ah oo la odhan jiray Ramadaan Maxamed.

Kiiskaan ayaa loo soo xidhay afar ruux oo ugu dambeyn mid kamid ah lagu helay laguna xukumay Xabsi daain (Maxaa haku furto), maadaama uu dilay Darawal Soomaali ah Saddex sano kahor.

Daniel Russell oo ah 23-sano jir waxa uu Garsooraha ismaamulka Allegheny u sheegay in uu dalbanayo qareen cusub oo uu sameysto, maadaama qofka u doodayay uu uusan ku qanacsaneen sida uu u wado ka difaacista eedda lagu soo oogay.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in Eedeysanaha lagu xukumay xukun aan cafis lahayn, sabab la xiriirta in uu yahay dambiga darajada 2-aad.

Ninka la dilay ee ah Ramadaan Maxamed ayaa jiray 31-sano, waxaana uu ahaa Wade Gaadhi Shirkadda Z Trip oo uu ka shaqeynayay 2-Todobaad oo kaliya kahor inta aan dilka loo geysan Marxuumka.

.baadhayaasha kiiskaan waxa ay sheegeen in Maxamed uu ahaa Aabaha wiil yar oo labo sano jir ahaa waqtiga falka uu dhacayay iyo Xaas Xaamili ah, waxaana Ramadaan uu u geeriyooday dhaawac halis ah uu u geystay Daniel Russel.

Guddiga Muslimiinta Pittsburgh oo baadhis gaar ah ku yahay dambigaan waxa ay ka baadhayeen in dilkan uu salka ku hayo Naceybka dadka soo galootiga, inkasta oo markii dambe ay ogaadeen in aanu salka ku heyn.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply