Enoch Adeboye Oo Hogaamiya Kaniisadda Ugu Weyn Nigeria Ayaa Ku Baaqay Inaan La Guursan Haweenka Aan Aqoonin Cunto Karinta.

0
489

Nigeria(Dawan)- Baadari caan ka ah dalka Nigeria ayaa Isniintii ku baaqay in aanan la guursan haweenka aan aqoon cunto karinta, hadalkan ayaa cadho ka dhaliyay gudaha dalka Nigeria.

Baadarigan oo lagu magacaabo Enoch Adeboye ayaa hogaamiya kaniisadda ugu weyn Nigeria.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga cadhooday hadalka kasoo baxay baadariga ee ah in ragga aysan guursan gabdhaha aan aqoon cunto karinta.

“Wiilasheydow, ha guursanina haweenka aan aqoon cunta karinta, waxaa looga baahan yahay inay garaneyso shaqada guriga iyo cunto karinta sababta oo ah mar kasta ma awooddid in aad cunto kasoo cuntid dibadda” ayuu yidhi baadariga oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply