Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo Oo Magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya

0
490

Adisababa(Dawan)- Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa shalay magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo saraakiil kale.

Booqashada Pompeo ayaa diiradda lagu saaray amniga, maal-gashiga, is-beddelada siyaasadeed ee Itoobiya iyo muranka Itoobiya kala dhaxeeya Masar, oo ay xulufo yihiin Mareykanka.

Ethiopia ayaa kadib kulanka sheegtay in Mareykanka uu qorsheynayo “in taageero maaliyadeed oo mug leh” uu siiyo Itoobiya, si loogu xoojiyo is-beddelada.

Ethiopia ayaa bisha August waxaa ka dhici doonta doorashooyin tijaabo u ah is-beddelada ra’iisul wasaare Abiy, taasi oo uu wacad ku maray inay noqon doonto mid xor iyo caddaalad ah.

“Doorasho xor ah oo la isku haleyn karo waxay muujin doontaa in qof kasta uu cod leeyahay,” ayuu Pompeo u sheegay weriyayaasha.

“Ma haysano wax khibrad dimoqraadiyad oo hore ah, balse waxaan masraxa u furi doonnaa dadka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andargachew.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa Masar ee ka dhalatay biyo-xireenka ay ka sameyneyso webiga Nile, kaasi oo ay kasoo horjeeddo Masar oo xulufo la ah Mareykanka.

“Waxaa weli jirta shaqo culus oo loo baahan yahay in la qabto, waxaanse ku niyad samahay in bilaha soo socda aan arrintan xallin doonno,” ayuu yiri Pompeo. “Heshiis kama dambeys ah ayaa la filayey bishan.”

Xogahayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka uu bixin doono 8 milyan oo dollar, oo lagu taageerayo ladagaalanka Ayaxa ka dillaacay Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Leave a Reply