Tababar losoo Xidhay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Maaliyada

0
639

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyada Somaliland Muuse Ibraahin Yuusuf oo tabobar ku saabsan hoggaaminta iyo qiimaynta shaqaalaha u furay qaar ka mida agaasimeyaasha waaxyaha wasaardaas.

Kulankaas ooka furmay magaalada Hargeysa waxa kale oo lagu lafo-guri doonaa qorshe hawleedka wasaaradda horumarinta maaliyada ee sannkan 2020.

Maxamed Axmed Wayrax agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda hourumarinta maaliyada Somaliland oo kulankaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in mudada kulankaasi socdo ay Masuuliyiinta waaxyaha wasaaradaasi ay ku baran doonaan caharo la xidhiidha hogaaminta iyo qiimaynta shaqaalaha, agaasime Wayrax waxa kale oo uu sheegay kulankaas ay qayb ka noqon doonaan diyaarinta qorshe hawleedka wasaaradaas, kaas oo mudada kulankaasi socda la darsi doono

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyada Somliland Maxamed Cabdi Gurxan ayaa Masuuliyiinta tabobarkaas qaadanaaya kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan caharada ay qaadan doonaan mudada uu socdo.

Ugu dambayn wasiirku ku-xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Muuse Ibraahin Yuusuf, oo tabobarkaas si rasmi ah u furay ayaa shegay in uu tabobarkaasi ka mid yahay dadaalada ku saaban hirumarinta hannaanka maaliyadeed ee dalka iyo kobcinta aqoonta hawl-wadeenada wasaaradaas ka hawl-gala.

Leave a Reply