Ururrada Dhalinyarada Somaliland oo soo dhaweeyey Sanduuqa horumarinta ee uu Madaxweynuhu u sameeyey

0
645

Qore. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

“Qofka dhalinyarada ah ee Ganacsi loo maal-geliyaa waxa uu fursad shaqo u sameynayaan ugu yaraan laba qof oo kale..” Maxamed Mahad Dhamac Agaasimaha Hay’adda Y-PEER

Hargeysa(Dawan) heerka shaqo-la’aanta Dhalinyaradu waa mid aad u sareeya, waxaana sanad walba jaamacadaha dalka ka soo baxa kumanaan da’yar ah oo dhamaystay heerarka waxbarashada sare.

Ma jiraan wershado iyo mashaariic waaweyn oo awood u leh in ay shaqaale u qaataan kala badh tirada dhalinyarada sanadkan ka baxaya Jaamacadaha dalka ku yaalla, taasina waxa ay door aan cidna dafiri karin ku leedahay faqriga iyo saboolnimada la qarsanayo ee haysatay qoysas badan oo tacab sameeya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa todobaadkan soo saaray qarraar uu ku dardar-gelinayo sanduuqa horumarinta Dhalinyarada oo muddo saddex sannadooda diyaarintiisa iyo hirgelintiisu socotay, kaasoo uu madaxweynuhu khudbad sannadeedkiisa 2020 ku sheegay in dhaqaalihii ugu horeeyey ee lagu howlgelinayo xukuumaddu ku shubtay sanadkan.
Qorshahan waxa si weyn u soo dhaweeyey ururrada ka shaqeeya horumarinta Dhalinyarada oo ku tilmaamay hindise wax la taaban karo ka taraya yaraynta shaqo la’aanta dhalinyarada iyo horumarka guud ee dalka.

Agaasimaha Hay’adda Waddaniga ah ee Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac, ayaa Wargeyska u sheegay in Sanduuqa horumarinta ee Madaxweynuhu sameeyey rejjo iyo yihdidiilo hor leh u abuurayo Dhalinyarada, bilowna u noqonayo in daneeyayaal kale ku dhiiradaan maal-gelinta da’yarta.
Agaasimaha Y-PEER oo ay hay’addiisu kamid tahay ururrada ku foogan arrimaha dhalinyarada, isla markaana bilihii u dambeeyey wacyi-gelin ka samaynayeen gobolada dalka, ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey barmaamujka sanduuqa horumarinta dhalinyarada.

Mr. Dhamac waxa uu intaasi raaciyey in uu dhinaca kale sanduuqani laba jibaarayo dedaalkii uu hore madaxweynuhu ugu sameeyey dhiiri-gelinta dhalinyarada, khaasatan mashruuca shaqo qaran oo uu ku tilmaamay mid najaxay oo fursad iyo niyad-dejin wax ku ool ah u fidiyey Jiil badan shaqo la’aani haysatay.
“Sanad walba waxa jaamacadaha ka soo baxa dhalinyaro tiro badan oo shaqo doonaya, suuqana fursadihii shaqadu aadbay u kooban yihiin, markaa sanduuqani wuxuu abuurayaa in la helo meel dhalinyarada hal-abuurka la yimaada laga maal-geliyo”ayuu yidhi Maxamed Mahad.
“Sidoo kale wuxuu dhiiri-gelinayaa in ay Bangiyada iyo Shirkaddaha kale ee Ganacsigu ku daydaan sanduuqan oo ay sameeyaan barmaamujyo ay ku maal-gelinayaan dhalinyarada, inkasta oo ay iminkaba qaarkood sameeyaan”ayuu raaciyey.

Maxamed Mahad Dhamac, waxa uu iftiimiyey in ay maal-gelinta loo sameeyo qof dhalinyaro ah abuurayso fursado kale oo shaqo-abuur “Qofka dhalinyarada ah ee Ganacsi loo maal-geliyaa waxa uu fursad shaqo u sameynayaan ugu yaraan laba qof oo kale”.
Geesta kale, Maxamed Dhamac waxa uu hambalyo u diray ku saabsan maalinta dhalinyarada Somaliland u diray guud ahaan dhalinyarada, waxaanu xusay in dabaal-dega sanadkani ku soo beegmay wakhti dareenkoodu fiican yahay oo sanduuqan horumarinta howlgelkiisu meel fiican marayo.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cadeeyey in dedaal kasta oo la sameeyey wax badan aanu ka tarin hoos-u-dhiggida shaqo la’aanta dhalinyarada, waxaanu madaxweynuhu codsi u diray Ganacsatada dalka. “Waxa aannu ka codsanaynaa ganacsatada JSL in ay ka qayb-galaan dhaqaalaha Sanduuqa Dhallinyarada, isla markaana Xukuumad ahaan waxaanu ku shubi doonaa dhaqaale joogto ah sannad kasta, haddana waxaanu ku shubnay $200,000 Doollar ee ugu horreeyey”.ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Somaliland waxa jira dhalinyaro badan oo curiyey fikrado dihin, kuwaasoo aan intooda badan helin cid u maal-gelisa “Ka dhalin ahaan waan soo dhawaynayaa sanduuqa, wax uu badan ka tari doona maalgalinta dhalinyarada fikradaha dihin haya , ee maal-galinta u waayey si ay uga midho dhaliyaan”sidaasi waxa Dawan u sheegay Cabdifataax Xaamud Cismaan oo ah maamulaha shirkada somservice oo bixisa adeegyo la-talin iyo ganacsi isugu jira.

Cabdifatax, waa Nin aad u da’yar oo muddo dheer si iskii ah u shaqaysanayey “Shirkada Somservice waa shirkad bixisa adeegyada tiknoolajiyada ganacisga , taas oo wax badan kusoo kordhisay dalka mudadii ay ka hawlgalaysay, dhalin badana u noqotay shaqo abuur iyo meel ay khibrad ka helaan”ayuu ku sharaxay Shirkadda uu keligii aasaasay.

Maxamed Mahad Dhamac, ayaa sheegay in sanduuqa horumarinta Dhalinyarada Miisaaniyada loo qoondeeyey laga sameyn karo wershado shaqooyin looga abuuro dhalinyarada, waxaanu kula taliyey ganacsatada iyo Hay’addaha sama-falka ee dalka ka shaqeeya in ay ka qayb-qaataan hirgelinta sanduuqan “Dhalinyaradana waxaan ugu baaqayaa in ay taageeraan oo soo dhaweeyaan, waxaana dhici karta in ay dhalinyaro badani keenaan fikrado cusub oo uu sanduuqani soo kordhiyo hindiseyaal badan”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Leave a Reply