Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo Baaq U Direy Dhalinyaradda Caasimada Hargeysa

0
536

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa dhalinyaradda ku nool gobolka Maroodijeex gaar ahaan caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay si mug iyo miisaanle uga qayb qaataan xuska maalinta dhalinyaradda Somaliland oo ku began 20-ka Febarwary.

Waxaa uu sheegay in laga bilaabi doono dhaqaaqista socodka barxada hore ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland.

Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ugu horeyn isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Maalinta berriya waa maalin taariikhiya oo dhab ahaantii baal dahaba kaga jirta taariikhda Qaranka Somaliland, waxaa laga dhaqaaqi doona barxadda hore ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland, kadib waxaa la tagi doona Beerta Xoriyadda, waxaana ubax la dhigi doona taaladii dhalinyaradii maalintaasi ku shihiiday dhagax-tuurkii, dhab ahaan maalintaasi waa maalin weyn.

Waxaana u soo jeedinayaa dhalinyaradda gobolka Maroodjieex oo lagu qaban doono Khamiista maanta Beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa”

 

 

 

 

Leave a Reply