Wasaaradda Caafimaadka oo Daawooyin iyo Qalab Kala Wareegtay Hay’adda UNFPA

0
571

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shalay qalab caafimaad iyo daawooyin kala duwan kala wareegtay hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA.

Daawadaasi iyo qalabkan waxaa soo iibisay wasaaradda caafimaadka Somaliland halka lacagta lagu soo iibiyayna ay bixisay hay’adda UNFPA.

Waxaana daawooyinkaasi iyo qalabkaasi kala wareegay hay’adda agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Qalabkaasi ayaa inta ugu badan waxaa loogu tallo galay cusbitaaladda Laascaanood iyo Burco, halka cusbitaalka Hargaysa-na uu qayb ku leeyahay. Kaasoo u badan daawooyinka hooyadda iyo dhalaanka.

Munaasibadii qalabka iyo daawooyinka lagula kala wareegayay ayaa lagu qabtay xarunta guud ee kaydka daawooyinka qaranka Somalialnd ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan guddi hoosaadka ilaalinta iyo daba-galka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland iyo saraakiil ka socday hay’adda UNFPA.

Sidoo kale waxaa halkaas goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday shirkadda ku guulaysatay qandaraaska soo iibinta daawooyinkaasi ee Dalsan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa hay’adda UNFPA uga mahad celiyay qalabkan ay ku wareejisay.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu maanta (shalay) kala wareegaynaaa hay’adda UNFPA qalab caafimaad oo loogu tallo galay cusbitaaladda magaalooyinka Laascaanood, Burco, iyo Hargaysa.

Qalabkaa caafimaad oo ay iska kaashadeen wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay’adda UNFPA oo ka mida hay’adaha aanu wada shaqaynta leenahay”.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka ilaainta iyo daba-galka hantidda qaranka oo isna halkaas ka hadlay ayaa hay’adda UNFPA uga mahad celiyay qalabkan caafimaad ee ay ku caawisay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay bulshadda goboladda Bariga ee qalabkan loo gaynayo in ilaashadaan qalabkaasi oo ah qiimihiisa iyo tayadiisaba ay aad u sarayso.

Xildhibaan Siciid, ayaa ku amaanay wasaaradda caafimaadaka sida wanaagsan ee ay u daryeeshay gaadiidka daawooyinkaasi lagu qaadayay oo ay wasaaraddu soo iibsatay dhawr sanno ka hor.

Waxaanu yidhi, “Wasaaradda caafimaadka waxaan uga mahad celinayaa, gaadiidka aanu aragnay wuxuu ahaa gaadiid tayo leh si fiicana loo daryeelay.

Wasaarradaha kale iyo hay’ada kale ee dawladda waxaan ku boorinayaa in ay sidaas oo kale u daryeelaan”.

Geesta kale masuuliyiin ka socday shirkadda DALSAN ee ku guulaysatay soo iibinta qalabkani oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qalabkani uu yahay mid tayo leh, isla markaana ay xil weyn iska saareen markii ay soo iibinayeen.

Baabuurtii qalabkaasi loogu rarrayay cusbitaaladda magaalooyinka Laascaanood iyo Burco ayaa isla shalay u baxay si ay u gaadhsiiyaan daawooyinka iyo qalabkaasi.

 

 

Leave a Reply