Siyaasi Xuseen Deyr oo Boogaadiyay Khudbadii Madaxweynaha

0
768

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan) Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Eng. Xuseen Aaden Cige Xuseen Dayr ayaa ka hadlay khudbadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay labada gole ee Baarlamaanka.

Xuseen Aaden Cige oo Shalay u Waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu ku Saxsanyahay in aanay suura gal ahayn in Madaxweynaha Soomaliya yimaado Hargaysa, waxaana uu intaasi ku daray in Somaliland tahay Qaran ka Madaxbanaan Soomaaliya.

Xuseen Aaden Cige oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Madaxweynuhu wuu ku Saxsanyahay in uu yidhaahdo Madaxweynaha Soomaaliya ma iman karo dalka Somaliland isaga oo Aqoonsada Somaliland Mooyaane, markaas ayuu booqasho ku iman karaa Somaliland, walina waxa uu wadaa Farmaajo Carqaladii iyo dibin-daabyadii uu Somaliland ku hayay iyo in aanay talaabo hore u qaadin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si cad oo aan caad ku jirin ayuu u sheegay in Somaliland tahay Qaran ka Madaxbanaan Soomaaliya.

Umadda Somaliland waa ka digtoon tahay in Farmaajo oo aan shan kiiloo mitir ka talin yidhaahdo Hargaysa ayaan tagayaa oo olale ka dhigto Somaliland ayaan socdaal ku tagayaa Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya u dhaxeeya kama dhici karaan Hargaysa”.

Sidoo kale Xuseen Aaden Cige ayaa waxa uu sheegay in Xisbiyadda ku guul darysteen in xal laga gaadho qabashada Doorashooyinka, is la markaana ay lagama maarmaan noqotay in Madaxweynuhu ku dhawaaqo in la furayo Uurada Siyaasada. waxaana uu yidhi “Madaxweynuhu si uu dardar cusub u galiyo Dimuqraadiyada Somaliland iyo dadka hanka leh u tartamaan ayaa waxa uu sheegay in uu furayo Ururada Siyaasada si uu xal uga helo dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka,Saddexdii xisbi waxa ku guul daraysteen in arintii Doorashooyinka meel isla dhigaan oo ku heshiiyaan Madaama muddo labo Sannadood uu murankii Doorashadu taagnaa. oo intaas oo jeer ayuu Madaxweynuhu kulan kala yeeshay xisbiyada arimaha Doorashooyinka Xukuumadda waxa ay raadinaysaa cidii ay Doorashooyinka u qaban la hayd”.

 

 

 

Leave a Reply