Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa soo gabo-gabeeyay tartanka orodada Maradoonka ee 42km iyo 10km oo ay ku tar-tamayeen dhallinyaro badan oo isaga yimid deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa .
Wasiirka Dhalinyaraddda iyo Ciyaaraha Somaliland, mudane Boos Mire Maxamed , Wasiirka arrimaha gudaha , Maxamed Kaahin Axmed iyo Masuuliyin kale ayaa ka hadlay muhiimadu uu orodku u leeyahay da’ yarta .waxaanay si weyn u hambalyeeyeen dhallinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi.
Gebo-gebadiina waxa halkaasi abaal-marinno iyo shahaadooyin la guddonsiiyay dhallinyaradii ku guulaystaya kaalmaha hore oo uu kaalinta kowaad ee 42km u galay , Maxamed Xuseen , halka kaalinta labaadna uu galay , Mustafe Cabdiqaadir , Cabdilaahi Aadan ayaa isna kaalinta saddex ku guulaystay .
Orodka 10km ayaa waxa kaalmaha hore ku guulaystay , Saciid Faarax , Cabdiqani Maxamed iyo Yaxye Maxamuud halka hablaha ku tartamaayey orodka 10km ay kaalmaha hore u galeen Hibo Daybi Faarax , Hanna Mukhtaar Cabdilaahi iyo Xamda Cabid Ibraahim .
Tartanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa waxa maalgelisay Shirkada Dahabshiil , waana markii labaad ee lagu qabto Magaalada Hargeysa .
Xuquuqda Sawirada
Astaan Cable TV