“Madax-banaanida Somaliland Waa Muqadas, Anigaa leh,Soomaaliyana gaadhsiiya” Farxiya Kabayare

0
2287

Hargeysa-(Dawan)- Fanaanada Farxiya Maxamed Cabdulle (Kabayare), oo ka mid ah Fanaaniinta kasoo jeeda dalka Soomaaliya ee ku nool qurbaha ayaa si weyn uga cadhootay hadal uu dhawaan warbaahinta Muqdisho ka sheegay ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya kaasi oo sheegay in ay xaq tahay in mar labaad la xasuuqo Shacabka Somaliland .

Image result for farxiya kabayare hargeisa

Qoraal ay baahisay Fanaanadda Caanka ah Farxiya Kabayare ayey ku sheegtay in qaranimada Somaliland ay tahay muqadas xilligan aan la joogin 1988 kii balse la maraayo 2020 , waxaanu u dhignaa Sidan ,

“War yaa Alle yaqaano oo islaam ah foowsiyo xaaji aadan markeey odayga u soo jawaabtay waan daawaday foowsiyo ma faaneeynin faataa bakhna kuma aysan hadlin ee odaygii fajiistaha ahaa ee umadda intii wax garaneeyso oo dhami ay ka cadhootay ayey runta u sheegtay xaq ayeyna u leedahay in ay odayga u soo jawaabto jirkii lahaaye jadiin kama qoslo war Somaliland ayaan xukun milatari ku qabsaneynaa ayuu yidhi marka odayga iska hadlay ee mooda in 1988kii la joogo foowsiyo weyba ka xishootay ee waxa ay ahayd in ay sifiican ugu tufto war faanka nagala taga Somalilandna ka dhammaada tiisa daryeelaa tukale ku dara, war dadkan maxay ahaayeen Somaliland ku qafiifay  reer Somalilaanoow iska dhiciya wixii afka idinla soo gala  war bal gardaradaan garabka og ila arka 2020 ayaa lamaraayaa 1988 lama joogo hello munaafaqnimo looma baahno madax banaanida Somaliland waa muqadas anaa leh reer Soomaaliya gaadhsiiya gadaal gadaal u socdo cidna ma rabto viva viva viva somaliland”

Leave a Reply