Maamulka Wajaale Oo Fuliyay Hawl-gal Lagu Banaynayo Waddooyin Xidhmay

0
527

Tog-Wajaale (Dawan): Maamulka magaaladda Tog-wajaale ayaa saaka ol’ole suuqyadda magaaladaasi ka fuliyay hawl-gallo lagu sameeyay dhismeyaasha iyo meheradaha ganacsi ee wadooyinka soo galay.

Ol’olahaasi ayay maamulka Wajaale sheegeen in uu qayb ka tahay soo celinta bilicda magaaladda oo qayb ka ah qorshihii qorshihii naq-shadaynta magaaladda ee ay hore u fulisay wasaaradda dhulka iyo guriyaynta ee Somaliland.

Waxaana hawl-galkii saaka lagu baabiiyay meheradaha jidadka soo galay iyo wadooyinka xidheen Miisaska ay ganacsatadda yar yar ee Garab-rarratada ah soo dhigteen jidadka magaaladda.

Hawl-galka saaka waxaa hor kacayay guddoomiyaha magaaladda Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi, iyo ku-xigeenkiisa Mursal Nuux Xuseen, iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan dawladda hoose.

Iyadoo hawl-galkaasi waddo banaynta ah ay fulinayeen Cagaf-cagafyadda dawladda hoose, sidoo kale waxaa hawl-galkaasi qayb ka ahaa ciidamadda booliska.

Ol’olahani ayaa socon doona muddo todobaad ah, iyadoo laga fulin doono ilaa xaafadaha magaaladda, isla markaana lagu bur-burin doono Oodaha waddooyinka soo galay.

Guddoomiyaha degmadda Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi, oo faahfaahin ka bixiyay ol’olahan ay saaka ka fuliyeen suuqyadda magaaladda ayaa sheegay in uu qayb ka yahay qorshaha soo celinta bilicda magaaladda.

Waxaanu ugu baaqay in ay joojiyaan Miisaska iyo Bacaha ay ganacsatadda yar yar soo dhigayaan meheradaha hortoodda, kadib-na ay Waddooyinku ku xidhmayaan.

“Dadweynaha reer Wajaale, waxaanu u sheegaynaa ma jeclin goor walba in aanu meheradihiina baabiino, hana nagu kelifina in aanu goor walba idin baabiino. Fadlan guryaha aamina, Waddadan aad ku soo yaacaysaan arsaaqdu ma taalee, meel walba way taallaa, wuxuu ILLAAHAY kuu qorayna wuu kuu imanayaa” ayuu yidhi guddoomiye Xaashi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Dadkeenu waxay aamineen in haddii uu alaabta ganacsi Waddada soo dhex dhigi waayo, in aanay waxba helaynin.

Wadooyinka aad xidhaysaan walaaleyaal ka daaya. Dhibaatadan faraha badan in aan mar walba idin gaadhsiina-na ma doonayno, guryaha ku ekaadda ayaan idin leenahay”.

Geesta kale guddoomiye ku-xigeenka magaaladda Wajaale Mursal Nuux Xuseen, ayaa isna tilmaamay in ol’olahan waddo banayntu uu socon doono muddo todoba maalmood ah.

Waxaanu ugu baaqay dadweynaha reer Wajaale in ay kala shaqeeyaan bilicda magaaladda, isla markaana ay Jidadka ka daayaan Miisaska ay alaabooyinka ku iibinayaan.

Waxaanu yidhi, “Fariinta aanu dadweynaha u diraynaa waa, in ay bilicda magaaladda ka shaqeeyaan ayaanu doonaynaa, oo ay Waddooyinka ka daayaan Miisaska alaabooyinka ay ku iibinayaan ee ay Waddooyinka ku jarayaan.

Ol’olahani wuu soconayaa, oo xagga xaafadaha-na waa la tegayaa, oo kuwa Waddooyinka Oodaha ku soo durkiyay, yaga-na wax baa laga qabanayaa”.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Wajaale, waxa uu sheegay in ay ganaax ku ridi doonaan ganacsatadda dhismeyaasha waaweyn ku jira ee u ogolaadda in Miisas la hor dhigto meheradahoodda.

“Waanu ganaaxi doonaa, kuwa aqaladda leh, ee meheradaha ku haysta, ee kuwa Miisaska u ogolaaday, ee la soo hor dhigayo Bacaha. Kuwaasi ganaax adag ayaanu ku dhufan doonaa”ayuu yidhi Mursal Nuux.

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply