Lamaanihii Basaasiinta Noqday!

0
651

Waa lamaane qayb weyn ka qaatay sidii loogu gudbin lahaa sirta hubka nuclerak dalka Ruushka ka hor dagaalkii qaboobaa. Basaaska Julius Rosenberg iyo gabadhiisa Ethel waxa ahaayeen shuuciyiin Maraykan ah. Julius wuxu ahaa nin shuuciyada si weyn u aaminsan oo caan ah, Gabadhiisa Ethel waxay isku barteen sanadkii 1936 shir ay qabsadeen dhainyarda shuuciyiinta ee Maraykanka.

Sanadkii 1942 ayay hay’adda sirdoonka Ruushka KGB ku guulaysatay inay shaqaalayso  Julius waxaana uu sirta ugu soo gudbin jiray si qarsoodi joogto ah xaruntii Ruushka Manhatan.

Waxa uu ku soo diri jiray dhamaan hawlaha la falanqeeyo maalin kasta nooca raadiyaha ka Emerson. Arrimaha  qarsoon uguna muhiimsan ee ay gudbiyeen waxa ka mid aha warbixin ku saabsan dhismaha gantaalaha diyaaradaha lagula dagaalamo qaabka loo isticmaalo iyo sida loo soo rido diyaaradaha basaasida ee Maraykanka nooca  (U-2), dhamaan macluumaadkan waxa uu ka heli jiray nin ay gabadhiisa walaalo yihiin oo ka shaqaynayay xarunta hubka halista ah.  Sanadkii 1960 ayay ka qayb qaateen lamaanahani inay gudbiyaan warbixinta basaasiin ka shaqaynaysa gudaha iyo debedda Maraykanka.

Iyadoo arinkan uu ka caawiyay seedigii,  laakiin sanadkii 1951 ayaa la qabtay Julius iyo gabadhiisa waxaana si dhab ugu cadaatay ariimihii ay sameeyeen labadooda iyo walaalkeed. Sanadkii 1953 ayaa dhamaantood lagu xukumay dil. Waxaana nafta lagag jaray  Kursiga laydhka ah ee ku rakibnaa xabsiga Sing Sing Prison oo ku yaala goob dhinaca waqooyi ka xigta qiyaas dhan 30 mayl magaalada Newyork ee Maraykanka. Kooxdan ayaa noqotay dadkii ugu horeeyay ee lagu dilo ariimo basaasnimo dalka Maraykanka.   (Source : Midestnews.com)

Leave a Reply