Wasiirka Horumarinta Maaliyadda oo Aqoon isweydaarsi u Furmay Xubno ka Mid ah Agaasimeyaasha Guud & Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan ee dawlada

0
584

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyada JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa kulan aqoon is waydaaris ah u furay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dalka iyo Hay’adaha madaxa banaan kaasi oo lagaga hadlayey tayeynta nidaamka Maaliyada dalka.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Maaliyadda oo sheegay in sharcigu masuuliyada koowaad saaray Agaasimahayaasha guud, taasi oo u baahan in sida ugu wanaagsan ee tayada leh looga shaqayn lahaa. Waxaanu sheegay in kulankan lagu faaqidi doono masuuliyada isla xisaabtanka,iyo masuuliyada dakhli ururinta.

Leave a Reply