“Cirro & Faysal Waxa Ay Ku Midaysan Yihiin Waa Qabyaalad Cad, Oo Cunsuriyadaysan” Ex-wasiir Shucayb

0
555

Hargaysa(Dawan)-Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha xukuumaddii Axmed Siilaanyo kana md ah xisbiga talada haya ee KULMIYE, Shucayb Maxamed Muuse oo isniintii warbaahinta la hadlay ayaa eedo culus ujeediyay gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka Ee Ucid Iyo Wadani oo uu ku eedeeyay in ay qabyaalada isku bahaysteen islamarkaana madaxwayne biixi ay ku diidan yihiin reernimo.

Sidoo siyaasi Shucayb Ayaa Madaxwaynaha biixi ka difaacay eedaha mucaaridka isagoo soo dhaweeyay go,aanka uu madaxwayne biixi ku shaaciyay in uu furayo ururada siyaasada.

Mr. Shucayb arrimaasi kahadlayana waxa uu yidhi; “Waxa la yidhi, Faras dabadii nin ka degay, meel kaloo u dhaanta ayuu waayay, waxay ila tahay in madaxweynuhu fursadaa furista ururada u8u xaq u leeyahay, shuruuc iyo xeerar baynu leenahay, waana arrin sharcigu u siiyay madaxweynaha oo sharcigeedana la marin doono.”

Isagoo hadlaya hadalkii gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid waxa uu yidhi; “waa maxay sababta ay Cirro & Faysal 24-ka saacadoodba uga hadlaan warbaahinta? Labada xisbiba waxay leeyihiin madax sare iyo hoggaan sare oo labada gudoomiye oo qudha ahayn, anigu runtii maan fahmin laba nin oo ilaadeer ah oo isgarab taagan oo maalin walba tv-yada ka hadlaya, waxay ku hadlayaan iyo waxa ku doodayaan iyo waxay ku midaysan yihiinba waa qabyaalad badheedh ah iyo weerar qaawan oo cunsuriyadaysan oo labadooda oo qudha dhaafsiisanayn. Anigu madaxweynaha si shaqsiya uma difaacayo, laakiin qarankaan difaacayaa, madaxweynuhuna waa karaamadii qaranka. Ninka laba milyan oo doolar buu qaatay, dalkiina 45 daqiiqo ayuu ku iibiyey ninka leh, muxuu isagu caddaymo hayaa? Ma qof buu caayaya mise qarankuu caayayaa? Ninka leh madaxweynuhu waa tuug, waxa uu caayayaa qaranka ee madaxweynaha ma caayayo markay sidaas tahay. Waxa shaqadoodii gabay oo maqan hay’adihii u qaabilsanaa arrimahan, tusaale C.I. D oo kale waxay ahayd inay waydiiso tidhaahdo halkeed ka keenteen warkan, maxaydunse caddaymo u haysaan, waxan leeyahay hay’adaha ku shaqada leh, ha iska fadhiyina ee waxan oo kale in tallaabo laga qaado ayay ahayd.” Ayuu yidhi  Wasiirkii Hore Wasaarada Warshadaha ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo Shucayb Maxamed Muuse oo isniintii warbaahinta la hadlay

Leave a Reply