Laascaanood: Wasiirka Jidadka Oo Dhagax Dhigay Waddo 32KM

0
526

Laascaanood (Dawan): Wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan, ayaa maanta dhagax dhigay waddo 32KM oo isku xidhaysa degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool iyo magaaladda Laascaanood.

Waxaana wasiirka dhagax dhiga jidkaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka Somaliland.

Dhismaha jidkani waxaa iska kaashanaya hay’adda waddooyinka Somaliland, wasaaradda jidadka iyo gaadiidka iyo shacabka degaankaasi.

 

Halkan ka Daawo Warkaasi:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply