Madaxweynihii Hore ee Masar oo Geeriyooday

0
533

Qahira-(Dawan)-Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak ayaa geeriyoodey isaga oo 91 sanno jir ah sida uu ku waramey Telefishanka Dowladda Masar.

Xusni Mabarak ayaa xukumey dalka Masar muddo 30 sanno ah, waxaa xilka looga qaadey kacdoon dad weyne oo askartu taageertey markii danbe bishii Feberaayo sannadkii 2011.

Sannadkii 2012 waxaa lagu xukumey xabsi daa’in, kadib markii lagu eedeeyey dad ka badan 200 qof oo kamid ahaa banaan-baxayaashii ka horyimid, Maxkmadda sare ayaa denbiyadaas oo dhan ka dulqaadey waxaana uu dib u helay xoroyadiisi.

Maxkmad kale ayaa sannadkii 2016 ku xukuntey isaga iyo labadiisa wiil musuqmaasuq.

Mubaarak ayaa xabsiga ka baxay sannadkii 2017 kadib markii loo arkey in xabsigiisi uu ku qaatey mudadii uu ku jirey isbitaalka Milteriga, sidoo kale wiilashiisa Calaa Mubaarak iyo Jamaal Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayey.

Madaxweynihii ku yimid kacdoonkii xilka looga tuurey Maxamed Mursi waxaa lagu fuliyey xukun dil ah.

 

Isha Warka , Warbaahinta Dawladda Masar

Wararka Dawannews.com

Leave a Reply