Mareykanka Eedayn Kulul U Jeediyey Ciidamada Ay Dowladda Somaliya Gaysay Gobolka Gedo

0
565

Maraykanka(Dawan)- Golaha ammaanka ee Qarama Midoobay ayaa shalay kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, halkaas oo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ay ka jeediyeen khudbado ay kaga warramayaan xaaladda siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan amni ee dalka.

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan gobolkaasi.

Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaam ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay qeybo kamid ah Gedo.

“Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter oo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo uu sheegay in mas’uuliyadda ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhexmari lahaa dhexdooda, si loo xalliyo khilaafka siyaasadeed.

“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubaland Madoobe ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply