Wasiir Hinda Gaani oo Baabuur Toyota kala Wareegtay UNICEF

0
751

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta si wada jira ugala wareegay ha’yadda UNICEF gaadhi xaajiyada oo ay ha’yaddu ugu tala gashay hawlaha caruurta.

Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa uga mahadnaqday hoggaanka ha’yadda UNICEF wada shaqaynta dhaw ee ay  wasaarad ahaan leeyihiin isla markaana ay tahay ha’yaddaha ugu waxqabadka badan arrimaha bulshada gaar ahaan arrimaha caruurta ee la shaqeeya .

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland , Marwo Hinda ayaa dadaal weyn gelisay sidii wasaaraddu uga shaqayn lahayd gobollada dalka , waxaanu gadiidkan qayb ka noqonayaa isku xidhka hawlaha wasaaradda ee laamaha dalka .

Leave a Reply