Xukuumadda oo Shirkadd Shidaal ku Eedeysay inay Maalgeliso Jabhad Hubeysan

0
494

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa Shirkadda Shidaalka ee HASS Petroleum ku eedaysay inay Maalgeliso Maleeshiyo beeleed ka dhaqdhaqaaqda deegaanka Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Dad asalkoodu reer Buuhoodle yahay iyo Shirkadda HASS Petroleum ay Maalgeliyaan Jabhad ka soo horjeeda Somaliland oo Toddobaadyadii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada Buuhoodle iyo Carro-weyn.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu ogahay Rag Caawiya oo inta badan Xamar uga shaqayso, waxa ka mid ah Nin la yidhaahdo Horushoof oo asalkiisu reer Buuhoodle yahay, waxa ka mid ah Niman kale oo illaa hadda aan soo shaac bixin oo lagu xamanayo, kuwaasi oo ay ka mid tahay Shirkadda Shidaalka ee HASS inay Maal-geliyaan, iyagoo weliba Ganacsato ah.”

Laakiin, Maamulka Shirkadda HASS Petroleum oo iyaguna hadlay ayaa beeniyey Eedda uu u jeediyey Wasiirka Hawlaha guud, waxayna sheegeen haddii uu Wasiirku keeni waayo caddayn eeddaa la xidhiidha inay sharciga la tiigsanayaan.

Leave a Reply