Af-hayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Dhirbaaxo Ay Ku Dhufteen Maleeshiyadda Puntland

0
562

Hargaysa (Dawan): Ciidanka Qaranka JSL ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay maleeshiyaadka Puntland oo soo weeraray saaka deegaanka Kadhada oo 18 KM u jirta deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Ciidanka Qaranka JSL Gaashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere).

Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA wuxuu u dhignaa sidan:-

“Waxa jira inay maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 badhasaabka Laasqoray ee Jamhuuriyadda Somaliland, isku dayeen inay dilaan.

Hase ahatee, ILLAAHAY SWT ka badbaadiyay, waxay daandaansi  joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan Badhan iyo degaanada ku hareeraysan .

Saaka abaaro lixdii iyo badhkii (6:30 Am) subaximo, waxay ciidammada Maamulka Puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka Kadhada oo 18km u jira Yubbe.

Halkaa-na waxaa isku haleelay ilaaladda  Jiida hore ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dagaal oogayaasha Puntland.

Iyadoo ciidanka qaranku ay dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gaadiid intaba.

Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dooni maayo dagaal. Laakiin, haddii laga dayn waayo daandaansiga joogtada ah wuxuu ka gudan doonaa wajibaadkiisa cid kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dawananews.com/Hargaysa Office.

 

Xigasho: SOLNA

Leave a Reply