Shaqaalihii Ugu Wanaagsanaa Sanadkii 2019-ka Ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Abaal-marrino La Guddoonsiiyay

0
542

Hargaysa (Dawan):  Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa manata shahaadooyin iyo abaal-marino guddoonsiiyay shaqaalihii ugu shaqadda wanaagsanaa sanadkii tegay ee 2019-ka.

Munaasibad balaadhan oo shaqaalahaasi loo sameeyay oo lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Wasiirradda warfaafinta Saleebaan Cali Koore, wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Sacad Saajin, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda, xubnaha komishanka guddigaasi iyo shaqaale weynaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Shaqaalahan abaal-marinaha iyo shahaadooyinka la guddoonsiiyay ayaa la sheegay in ay yihiin xubnihii dedaalka, kartidda badan iyo shaqo wanaaga muujiyay sanadkii ina dhaafay ee 2019-ka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe,  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay shaqaalahan la abaal-mariyay, isagoona ku hanbalyeeyay dedaalka iyo shaqo wanaaga ay muujiyeen.

“Sharaf iyo farxad gaar ah ayay noo ahayd maanta xaflada abaal-marinta sanadka 2019-ka ee shaqaalaha hay’adda shaqaalaha dawlada jamhuuriyadda Somaliland.

Dhamaan shaqaalaha waxaan leeyahay hambalyo waad dadaasheen, waajibkiinii ka soo baxdeen, idinkoo hagrasho la’aan gacmaha isu qabsaday kana midha dhaliyay shaqo qaranka ee u xil saaraydeen.

Waxaan ALLAAH SWT inooga rejaynayaa in sanadkan 2020-ku-na noqdo mid guul balaadhan oo la mahadiyo aynu ku xusi doono”ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Farxaan Aadan Haybe, ayaa shaqaalaha kale ee aan nasiibka u helin in abaal-marinaha in iyagana looga baahan yahay dedaal iyo shaqo wanaag, si ay sanadkan u noqdaan kuwo la abaal-mariyo.

Waxaanu yidhi, “Intiina la abaalmariyay waad mutaysateen, inta laga tegay ee Agaasime waaxeedyada ahna waa masuuliyada in kuwa idiinka hoos shaqaynaya u garataan in iyagu mudan yihiin abaalmarin iyo dhiiri gelin.

Kuwa aan helin abaalmarin dadaal ayaa looga baahan yahay sanad walibana waa waayihiisa iyo wadcigiisa qofka ayaanaa macno, magac u sameeya si isagana maamuus iyo abaal loogu hayo. Waa inoo dadaal boqol laaban iyo sanadka 2020 xaflad tan oo kale ah”.

Geesta   kale waxaa halkaas hadalo ka jeediyay wasiirradda warfaafinta iyo ganacsiga iyo dalxiiska waxaanay ku hanbalyeeyeen shaqaalahaasi la guddoonsiiyay abaal-marinaha sida wanaagsan ee daacadnimadda ah ee u  guteen shaqadda ay qaranka u hayaan.

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply