Wasiirka Qambi Oo Raali Gelin Siiyay Shirkadda HAS Petroleum

0
776

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi, ayaa raali gelin ka bixiyay eedayn uu shalay u jeediyay shirkadda ka ganacsatadda Shiidaalka ee HAS Petroleum.

Eedaynta shalay wasiirku u jeediyay Has Petroleum ayaa ahayd in shirkadaasi ay maalgelin dhaqaale siiso jabhad laga abaabulayo degaanka Buuhoodle.

Inkastoo masuuliyiinta shirkadaasi ay iska difaaceen isla shalayba eedaynta wasiirka, isla markaana ay ka dalbadeen wasiirka in uu soo cadeeyo eedahaasi.

C/rashiid Ducaale Qambi, waxa uu sidan ka sheegay shir jaraa’id oo ay maanta si wada jir ah xafiiskiisa ugu qabteen isaga, wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Wasiir Qambi:

Dawananews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply