Dhererka Qofka Oo Kala Duwan Subaxa Iyo Galabtii!

0
2335

Lafadhabarta Aadamiga ayaa ka kooban 33 lafo yaryar ah xidhiidh ah, kuwasi oo haddana mid kasta dhinaceeda u dhamaystiran tahay. Waxaana dhexdooda ku jira dareere, kaasioo  maalintii uu jidhku isticmaalo.

Marka qofku habeenkii seexdo ayuu jidhku dareeraha dib u sameeyay, waxaana taasi ay sabab u tahay dhererka qofka Aadamiga ah oo suabaxa hore iyo galabnimada kala badan.

Dhererka qofka ayaa subaxa hore ka dheer ka galabtii 1.5 cm, waxaana khubaro cilmiga noolaha aqoon u lihi cadeeyen in cufus jiidadka, culayska iyo hawlaha maalnimo ay keenaan in jidhku lumiyo, sidaa awgeedna  qofka dhererkiisa subixii uu ka dheer yahay ka galabatii.

Waxa kale oo warbixintu muujisay in cirbixinyeenada hawada sare tagaa ay 5 cm, dheeraadan markii ay dhulka joogeen iyagoo haddana marka ay soo noqdaan ay ka go’da 5 cm ee hawada sare ee aan cufus jiidadka lahayn ka muuqda.

Leave a Reply