Magaalo Foorida Isku Fahanta

0
533

Dadku sida caadiga waxa ay isku fahamaan luqadaha ay ku hadlaan, waxa kale oo dadku isku fahmaa calaamadah ngacmaha, indhaha iyo timaaha ay bixiyaan.

Haddaba waxa jirta luqad kale oo ay dadku isku fahamaan waxaana ka mid ah luqadda foorida.

Magaalada yar ee go’doonsan laguna mgacaabo Kuşhköy  ee ku taalla xeebta buuralyda badda madow ee dalka Turkiga, waxay caan ku tahay luqadda ay sida weyn isgu fahmaan ee foorida taasi oo u isticmaalaan si joogto ah.

Dadka tuuladan degan ayaa foorida ku wada xidhiidh iyagoo meel kale durugsan jooga, waxa kale oo ay u adeegsdaan marka ay isaga digayaan ariimo khatar iyo halis ku soo fool leh. Waxa kale oo ay isugu yeedhaan marka ay isku baraarjinyaan hawlaha maalinta. Saxaafadda iyo dadka booqda tuuladan waxay u yaqaaniin luqda shimbiraha.

Dadka degan magaaldani waxa ilaaliyaan luqadda foorida waxaana ay barnaan ubadkoodak si aan dhaqankoodu u baab’in.

Leave a Reply