Guushii Naxdinta Badnayd !

0
547

Xaaladaha geeridu way kala duwan yihiin, wakhtiga iyo sababta dhimashaduna waa kuwo aan isku mid ahayn. Waxaana mar kasta dhaca kuwo marar badan naxdin iyo qariib ah.

Frank Hies ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee ku guulaysta tartanka faradaha isagoo mayd ah.  Franka ayaa tartanada ka qayb geliyay sanadkii 1923. Waxaana la sheegay in isagoo faraskiisa saaran oo tartanka ku jira inuu wadanuhu istaagay 14 August  sanadkii 1948 laakiin farasku ma joojin orodkii ilaa uu noqday kii ugu horeeyay oo ka gudba diilinta kuna guulaysta kaalinta koowaad.  Sacab badan ayaa u dhacay iyadoo la moodayay inuu nool yahay.

Waxaana dhimashadiisa ogaatay gabadhii faraska lahayd markii ay ugu timi inay hambalyayso.

Waxaana naxdin ku noqotay dadkii iyo garsoorayaashii markii la arkay Frank oo mayd ah oo faraskiisa saaran.   Waxaana uu noqday maydkii ugu horeeyay ee uguna danbeeyay ilaa wakhtigan eek u guulaysta tartanka orodka fardaha.

 

Gareth Jones oo isna ahaa jilaa filimada dhiga oo dalka Ingriiska u dhashay ayaa sanadkii 1958 ku metelayay Filim inuu ku dhacay wadno xanuun. Laakiin waxa yaab noqotay in isla wakhtigaasi uu si rasmi ah ugu dhacay wadno xanuunku iyadoo kamaradii laga duubayo. May jirin cid isku deyday inay dhakhtarka ula cararto maxaa yeelay waxa loo malaynayay inuu weli filmkii metelayo. Gareth ayaa halkaasi ku naf baxay taasina waxay mucjiso ku noqotay filim duubayaashii iyo dhamaan intii filimka ku jirtay sida qisadii filimka ahayd ay mar qudha isugu bedeshay qiso dhab ah.

Leave a Reply