Dood ku Aroorta laba Qodob oo Hadhaysay Golaha Wakiillada

0
531

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

 

Hargeysa (Dawan)- Fadhiyadii Golaha Wakiillada ee maalmihii Isniinta iyo Salaasada todobaadkan waxa hadheeyey dood nuxurkeedu ku aroorrayo laba qodob oo xaasaasi ah, taasoo sii socon doonta maalmaha soo socda.

Dooddan oo ku saabsan xaalada guud ee dalka, ayaa haddana si gaar ah ugu qotonta laba qodob oo kala ah saameynta isbedellada ka socda Geeska Afrika iyo khilaafka sii xooggaysanaya ee u dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumadda.

Mudaneyaasha Golahaasi, ayaa xubno badan oo kamida waxa ay soo dhaweeyeen qorshaha soo dedejinta furista Ururrada Siyaasadda ee madaxweynuhu ku dhawaaqay todobaadkii hore, kuwo kalena waxa ay ka digeen in lagu deg dego, iyagoo daliilshanaya duruufaha ku gedaaman arrimaha doorashooyinka.

Labadii Fadhi ee u dambeeyey oo uu shirguddoominayey guddoomiyaha Golahaas Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa ay xildhibaanaddu ku lafo-gureen, sidii loo abuuri lahaa qorshe istaraatiijiyadeed oo ay Jamhuuriyada Somaliland kula jaan-qaadayso dabeysha ka socotaa mandaqada.

Waxa kale oo doodda xildhibaanada kamid ahayd qorshaha filan-waaga ku fashilmay ee uu Reysal-wasaaraha Itoobiya doonayey in uu Madaxweynaha Maamulka Soomaaliya ku keeno Somaliland, iyadoo sidoo kale mudaneyaasha qaar ay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ku tilmaameen mid aan  bugsiinshiyo ugu filnayn shacbiga Somaliland.

Sidaasina waxa sheegay Xildhibaan Maxamuud Xaaji Jaamac Cilmi (Dable) oo yidhi “Waar annagu (Somaliland) cidna wax uma haysano, adigana waxba kuuma haysano, laakiinse siyaasad ahaan wado ayaanu  jeexanay, umadduna xaq bay u leedahay in ay iyadu dariiq samaysato  mustaqbalkeeda ah maaha in cid inta la soo kaxaysto la yidhaahdo kaalay ku khasabnee, wax dhacaya maaha”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ku jiray xildhibaanadii ka qaybgalay dooddii Isniinta, ayaa si gaar ah diirada u saaray saameynta dabeysha isbedellada ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan qorshaha uu xaawilayo Reysal-wasaaraha Itoobiya, waxaanu soo jeediyey “Waxaynu u baahanahay in la abaabulo khubaraddeena ku takhasustay Shuruucda caalamiga ah iyo xidhiidhka caalamiga ah oo si cilmiyeysan u soo-saara Istaraatijigii aynu kaga badbaadi lahayn waxa mandaqada ka socda oo inaguna Dadkii ka qaybgeli karaa ay ka qayb-galaan”

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa isna sheegay “Laba Dagaalbaa ina horyaalla, labada dagaal mid waa dagaal masiiri ah oo iminka inagu socda, midna waa mid gudaheena ah. arrinta xisbiyada iyo dalkoo dhan cidbaa madax looga dhigay oo loo baahan yahay in ay qodaxda ka gurto. arrinta dagaalka dibadana in loo midoobo oo Somaliland u midowdaa waa arrin muhiima” ayuu sheegay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Marka laga yimaado arrimaha isbedellada gobolka, qodobka kale  ee ay xildhibaanadu ka hadleen, ayaa isna ah furista ururrada Siyaasadda oo ay soo dhaweeyeen xildhibaanada laga soo doortay gobolada barigu, khaasatan kuwa Bariga Sanaag oo ku tilmaamay fursad muhiim u ah shacbiga Deegaamadaasi.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, ayaa isagoo qodobkaas ka hadlaya yidhi “Furista Ururrada waa ta qudha ee Somaliland ku samaan karto, waayo dad badan oo aqoon-dheeraada leh ayaa iman kara oo xisbiyo keeni kara, wuxuna in ay muran ku jiraan waa laga fiican yahay” ayuu yidhi Xildhibaan Xaamud oo uu dooddaasi ku raacay Xildhibaan Bulqaas oo isku gobol laga soo doortay.

Dhinaca kale, Xildhibaanadii shalay doodda golaha ka hadlay, ayaa u badnaa dhinaca maal-gashiga iyo sixida wixii ka khaldan heshiiska Shirkadda DPWORLD ay la gashay Xukuumaddii hore.

Waxa kale oo ay mudaneyaasha qaar sii tahkiidiyeen arragtiyaha ku wajahan siyaasadda dibada iyo qadiyada doorashooyinka ee ay ku lamaantahay furista Ururrada siyaasadda oo ay xildhibaanada ka hadlay ku taliyeen in kaabista Xeerka Ururrada goluhu waajibkiisa ka gudto.

Ugu dambeyn, doodda ayaa sii socon doonta fadhiyada golaha ee maalmaha foodda inagu haya, waxaana laga dhur-sugayaa halka ay ku biyo shubato.

Leave a Reply