Xaaska Riek Machar Oo Shaaca Ka Qaaday In Saygeeda Uu Lamid Yahay Qof Maxbuus Ah

0
504

Sudanta Koonfureed (Dawan)- Xaaska madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Sudaanta Konfureed, Riek Machar oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in saygeeda u dareemayo in uu ku jiro xabsi. Arrintan ayaa kusoo aaday iyadoo maalma kahor Machar loo dhaariyay xilka madaxweyne ku xigeenka.

Angelina Teny ayaa sheegtay in xayiraadda uu urur goboleedka IGAD saaray Machar ay kamid tahay in aanu u safri karin gudaha iyo dibadda dalkaas.

Machar ayay sidoo kale sheegtay in laga hor-istaagay in uu la hadlo warbaahinta iyo taageerayaashiisa.

Anjelina Teny ayaa intaa raacisay in mucaaradka dalkaas oo ay sheegtay inay kamid tahay ay ka walaacsan yihiin madaxweyne ku xigeenka koowaad oo ay sheegtay in uusan gudan karin waajibaadkiisa shaqo, maadaama waxyaaba badan laga hor-istaagay.

“Machar iska daa in uu safro ee xitaa lama hadli karo taageerayaashiisa”, ayay tiri Angelina.

Haseyeeshee afhayeen u hadlay Madaxweynaha dalka South Sudan, Salva Kiir ayaa sheegay in arrinta aysan sidaas ahayn. Machar ayuu sheegay in aysan jirin sabab uu ugu baahan yahay in uu la hadlo taageerayaashiisa.

Wuxuu intaa raaciyay in haddii Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad uu doonayo inuu qabto shirar dadweyne oo ku saabsan geedi socodka nabadeynta dalkaas ay tahay inay isla meel dhigaan isaga iyo Madaxweynaha, si loo muujiyo midnimo.

Xayiraadaha saaran Mr Machar ayaa waxaa ku soo rogay urur goboleedka IGAD, waxaana looga goll leeyahay sidii loo joojin lahaa dagaalka sokeeye ee lix-da sano ka socday Sudaanta Koonfureed iyo xakameynta ficillada waxyeeleyn kara dedaalada nabadda ee dalkaas.

Wakiilka gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Sudaanta Koofureed ayaa sheegaya in xayiraadda ay ku ekeyd oo keliya intii uu Machar ka maqnaa dalkiisa, haatan oo uu dib ugu laabtay, kuna biiray dowlad cusub ee midnimada qaran ay arrintaas meesha ka baxday.

Balse xaaska Machar waxay ku andacooneysaa in aysan jirin cid si rasmi ah ula soo xiriirtay oo arintaasi kala hadashay.

Hogaamiyeyaasha gobolka iyo ururada geeska Afrika ayaa ku guuleystay inay isu keenan Madaxweynaha South Sudan iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo ku dagaalamay dalkaas, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Machar ayaa maalma kahor dib ugu laabtay caasimadda Juba, halkaas oo uu ku saxiixay heshiis in muddo ah laga soo shaqeynayay, looguna caleema saaray madaxweyne ku xigeenka koowaad.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply