Gabiley: Maayarka Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Caafimaadka Gobolka

0
675

Gabiley (Dawan): Maayarka degmadda Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay agaasimeyaasha iyo masuuliyiinta cusbitaaladda iyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda Gabiley.

Kulankaasi oo ahaa mid lagu dar-dar gelinayo mashruuca maamul-daadejinta adeegyadda caafimaadka ee degmooyinka hoos yimaadda Gabiley,  ayaa ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee Gabiley.

Waxaana kulankaasi  ka soo qayb galay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley, agaasimaha waaxda arrimaha bulshadda ee dawladda hoose ee Gabiley.

Madaxda ka hawl-gala cusbitaaladda, xarumaha caafimaadka iyo MHC-yadda degmooyinka iyo tuulooyinka ka tirsan gobolka Gabiley.

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply