Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay War Ay Baahisay BBC

0
598

Hargaysa (Dawan): War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinyta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu beeniyay war ay maanta baahisay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda BBC.

Xukuumadda Somaliland ayaa warkaasi  ku tilmaantay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, kaasoo  ay  maanta duhurkii  baahisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Iyadoo BBC warkaasi  ku sheegtay in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan xafiiskiisa kula yeeshay Wufuud ka socota Beesha caalamka,kuwaasi oo galabtanna la shiraya axsaabta siyaasadda.”

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo soo gaadhay galabta Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas xaqiiqada ka fog ee ay maanta baahisay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da.

Waxaanay Wasaaraddu  caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen.

Sidaas darteed, waxa Wasaaradda Warfaafintu ay Idaacadda BBC-da u soo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL.

Taasoo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Geesta kale warkaasi qoraalka ah ayaa lagu yidhi “wasaaradda Warfaafinta Somaliland  waxay ku boorinaysaa Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du inay ilaaliso karaamada dhegaysteyaasheeda oo aanay baahin warar been abuur ah isla markaana  aan dhicin”.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply