Haweenka Sucuudiga Oo Loo Ogolaaday Inay Ciyaaraan kubadda Cagta

0
449

Riyaad (Dawan)- Boqortooyada Sucuudiga ayaa si rasmi ah ugu ogolaatay haweenka dalkaasi in ay dheeli karaan kubadda cagta kadib labo sano kahor markii loo ogolaaday in ay tagi karaan garoomada lagu ciyaaro kubadda.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa sheegay in labilaabay horyaalka kubadda cagta haweenka oo laga dheeli doono magaalooyin dhawr ah oo dalkaasi kamid ah oo ay ku jirto magaalada caasimada ah ee Riyadh.

Markii ugu horeesay in haweenka Sucuudiga loo ogolaado in ay tagi karaan garoomada kubadda cagta ayaa ahayd bishii January ee sanadkii 2018, iyadoona isla sanadkaasi loo ogolaaday in ay wadi karaan gawaarida mudo tobonaan sano ah kadib.

Sidoo kale sanadkii lasoo dhaafay ayaa haweenka Sucuudiga loo ogolaaday in ay dibada u safri karaan iyadoona uusan lasocon maxram, waxaana arimahan oo dhan ay qayb ka yihiin isbadalada uu boqortooyada ku sameenayo dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply