Odoyaasha Soo Xulaya Baarlamaanka Labaad Ee Koofur Galbeed Oo Maanta Kulmaya.

0
548

Baydhabo (Dawan)- Magaalada Baydhabo  ee xarunta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta lagu xaraynayaa Odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamanaka labaad ee Maamulkaasi.

Guddiga Farsamada ee loo xil saaray diyaarinta Odoyaasha dhaqanka Beelaha ee soo xulaya Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta ay guda-galayaan mid kamid ah howlaha ugu muhiimsan ee lagu diyaarinayo Xildhibaanada Cusub.

Waxa ay intaa ku dareen in ay raacayaan Habraacii ay shalay soo saareen ee ku saabsan Xulista Baarlamaanka labaad ee DKGS oo tiro ahaan ka yaaranaya Baarlamaanka 1-aad ee waqtigiisu dhamaaday.

Guddiga ayaa Odoyaasha siiyay Tababar kooban oo la xidhiidha habka xulista Baarlamaanka, si ay ugu fogaadaan eex iyo nin jecleysi sida xubnaha Guddiga ay sheegeen.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha kuraasta Baarlamaanka ku leh DKGS, si ay usoo dhisaan Xubnaha Laanta Xeer dejinta, waxaana dhanka kale Ol-ole Xooggan oo ay wadaan Xubnaha Xildoonka ah.

Odoyaasha dhaqanka qaarkood oo la hadlay Mustaqbal waxa ay sheegeen in Shaqsiyaadka Xildoonka ah ay ku kala xulanayaan kaalinta uu ku dhex leeyahay beeshiisa, si Xildhibaanka uu noqdo mid ay la xisaabtami karaan dadka uu matalo.

Madaxweynaha DKGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa dhawaan sheegay in lasoo gaba-gabeynayo soo xulista Baarlamaanka labaad, waxaana Odoyaasha Beelaha uu ka dalbaday in aysan soo xulin Xildhibaanno badan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply