Qisaska Khiyaamada Indhosarcaadka Ah!

0
1198

Markii uu galay Dukaanka dahabka waxa uu gacanta ku sitay kaatun jaban, waxaana uu u dhiibay ninkii dahablaha haystay, oo ku yidhi “ Kaatunkan ii hagaaji”. Ninkan ayaa xidhnaa oo ku lebisnaa dhar iyo kabo dhamaantood cadaan ah,  xataa timihiisa ayaa wada caddaan ahaa, gadhkiisa dheer ee wada wada cirroda ah ayaa u muuqday inuu la cad yahay ciro macmal ah.  Dukaanka dahablaha ninka haystay ayaa muuqaalkiisa ka yaabay oo erayo kooban ku yidhi :” fadhiiso halkan, inta aan kuu hagaajinayo”.

Isagoo ku mashquulsan Kaatunka ayay dukaanka soo galeen nin iyo gabadh wada socda waxaana ay ka codsadeen inu u hagaajiyo silis dahab oo iyaguna ay siteen. Laakiin waxa uu ugu jawaabay i “ninka ayaan hawshiisa dhamaynayaa wax yar isuga” Markii ay eegeen ninkii waxa ay u muuqdeen kuwo ka argagaxay muuqaalka ninka, isla markiiban way bexeen.

Muddo yar ka dibna waxa soo galay nin kale oo isaguna doonaya  in kaatuun loo hagaajiyo, laakiin ninka dahablaha haysta oo weli ku mashquulsan kaatunka ninkan wada cad, aya ku yidhi “ Ninkaan ayaan horta u dhamaynaya isug”.

Waxase yaab ku noqotay markii ninkii kaatuunka sitay uu eegay dhinacyada,  waxaana uu u muuqday sidii nin aan waxba arkayn, ka dibna waxa uu ku yidhi ninki dahablaha haystay “ Meesha ninba ma joogee, waa ku sidee miyaad waalantay ? Si degdeg ahna wuu isaga iskaga baxay”.

Ninkii Dahablaha haystay ayaa markiiba cabsiyi gashay oo hoos u ducaysanayay. Ninkii dharka cadcad xidhnaa ee kaatuunka loo hagaajinayay  ayaa soo kacay oo ku yidhi “ Ha werwerin waxad tahay adoon wanaagsan oo mu’min, aniguna waxaan ahay , adoon Allah ku soo diray, imana arkayo qof wanaagsan mooye qof kale, waxaan kuugu imi inaan nafta ka qabto oo wax yar ka dib aad gurigaagii Janda ku raaxaysato”. Ninkii dukaanka lahaa aya naxay oo haddana  aad u faraxay.  Isagoon aan weli hadal ka soo bixin ayuu ninkii masar la soo baxay oo ku yidhi ninkii dukaanka haystay “ waa kan udgoonkii Janada ee urso”. Markii uu ursdayna waa uu miyir belay.

Mar danbe ayuu soo toosay, waxase uu la kulmay dukaankiisa oo madhan wixii alaab taallay dhamaanteed waa la wada gurtay. Ninka wada cad iyo labadii ninka iyo gabadha ahaa ee  wada socday iyo ninkii ka danbeyay ee u sheegay in aanu ninba meesha joogin dhamaantood waxay ahaayeen tuug si xirafd leh u xaday dukaanka dahablaha. Ma jirto meel uu u raacayo hantidiisa , maxa yeelay sharcigu ma ilaaliyo kuwa nacasnimada lagu dhaco. Iska jir khiyaamada isbahaysiga Tuugada indho sarcaadka ah.

 

Leave a Reply