Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka Iran Oo Laga Helay Coronavirus Ka Dib Markii Uu Maalin Ka Hor Dafiray Inuu Cudurkaasi Ka Jiro Dalkiisa

0
445

Dahraan (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa laga helay Caabuqa Corona, xilli ay Iiraan hadda si wayn ula tacaaleyso cudurkaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalkeeda, ilaa haddana dilay 15 ruux.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Iraj Harirchi uu ku dhacay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19, uuna hadda ku jiro karantiil.

Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa dhanka kale ku boorriyay dadka reer Iiraan inaysan argagixin, isagoo yiri: “Waan ka gudbi doonnaa Caabuqan”.

Saraakiisha Iiraan ayaa isbuucii lasoo dhaafay xaqiijiyay in 95 ruux uu ku dhacay Corona, laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada saxda ah ay aad uga badan tahay intaas.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay “mid walaac abuuraya”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply