Somaliland oo Digniin culus u jeedisay Xafiiska Qaramada midoobay ee UNSOM

0
661

Wasaaradda Arrimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland, ayaa digniin u dirtay Xafiiska Qaramada midoobay iyo daneeyayaasha Doorashooyinka Soomaaliya oo markii labaad warbixin ay soo saareen ku soo daray arrimo khuseeya Doorashooyinka Somaliland.

Sidaasina waxa lagu sheegay Warsaxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada oo nuqul kamida uu soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayaa u dhignaa sidan:-

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay aad uga xun tahay war-saxaafadeedyo xilliyo kala duwan ay si wadajir ah u soo saareenXafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (UNSOM), iyo daneeyayaasha doorashooyinka Soomaaliya.

War-saxaafadeedyada ku kala taariikhaysan 28 January 2020 iyo 25 February 2020 waxa laga ga hadlay arrimo khuseeya doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxa lagu xusay wax loogu yeedhay ‘’Nidaamka Xulista Qoondada Kuraasta Somaliland’’.

Somaliland waxa ay hormuud u tahay dimuqraadiyadda Geeska Africa. Waxa marar badan Somaliland kaqabsoomay doorashooyin ay goobjoogayaal caalamka daafihiisa ka kala yimidka markhaati kaceen in ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

Dawladda Somaliland waxa ay daneeyayaasha doorashoooyinka Soomaaliya uga digaysaa in ay ku xad gudbaan Madaxbannaanida iyo Qarannimadda Somaliland.

War-saxaafadeedyada noocan ah waxa ay Somaliland u aragtaa tallaabooyin lagu wiiqayo xasiloonida iyo dimuquraadiyadda Somaliland.

Ugu dambayn,Dawladda Soomaliland waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa bulshada caalamka in aanay qayb ka ahayn doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale Somaliland waxa ay aaminsan tahayin isku-day kasta oo arrintan la xidhiidhaa aygobolka ku keeni karo cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni.

Leave a Reply