Wasiir ku xigeenka Gaadiidka oo Ka Hadlay Weerar Puntland ku Soo Qaadday Laasqoray oo Ciidanka Qaranku Dhirbaaxo Kulul Gaadhsiiyay

0
509

 “Waxay weerar ku soo qaadeen Guddoomiyaha gobolka Badhan oo Laasqoray Safar shaqo ku joogay,waxaanay dhirbaaxo kulul kala kulmeen ciidanka qaranka.”

“Dadku way ogyihiin horumarka Somaliland ka waddo deegaankaas nabad ayaanay doonayaan qolada Puntland na waa baadhasho tag xukuumadduna way difaacaysa dhulkeeda.” Waiir Sahal Waraysi gaar ah

Hargaysa(Dawan):-Xukuumadda  Somaliland  ayaa ka hadashay  dagaal  dhex maray    Ciidank   Somaliland  iyo  Maleeshiyo  ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo kazoo duulay Boosaaso isla markaana weerar ku soo qaaday degmada Laasqoray ee gobolka Badhan.

Maleeshiyada kasoo duushay Puntland,ayaa weerar kusoo qaaday magaalada Laasqoray xilli uu safar shaqo ku joogay degmada Laasqoray   Guddoomiyaha Gobolka Badhan Maxamuud  Xaamud Cumar

Wasiir ku Xigeenka  Wasaarada  Gaadiidka  iyo Horumarinta   Jidadka Somaliland  Sahal  Maxamed  Jaamac oo   oo waraysi  gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa sheegay in maleeshiyada Puntland ay doonayaan in ay dadka nabad gelyada iyo horumarka hadda ka hirgalay gobolka Badhan in ay ka khalkhal geliyaan isla markaana ay yihiin  kuwo diiddan in gobolka Badhan uu ka hirgalo wax horumar ah.

Waxaanu intaa ku daray in Xukuumadda Somaliland iyo shcbiga gobolka Badhan in ay ku wada baraarugsan yihiin in Maamul Goboleedka Puntland labada wax ee uu u socdaa in ay yihiin dhul ballaadhsi iyo dhul boob ay ku doonayaan n ay khayraadka gobolka ku dhacaan,taas oo uu iftiimiyay in ay xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in ay dadkeeda iyo dalkeedaba ay  ka difaacdo cid kasta oo cadaw ku ah qaranka Somaliland ama duullaan ku soo qaada.

 

Wasiir ku xigeenka oo ka hadlayay ugu horrayn siday wax u dhaceen ayaa yidhi “Guddoomiyaha Goblka  Badhan  ayaa  waxa uu safar shaqo u tegay Degmada  Laasqoray ka  bacdi  waxaa dhanka Puntland weerar kazoo qaaday koox maleeshiyo ah oo ka soo duulay  dhanka magaalada Boosaaso,laakiin waxaa markiiba tallaabo ka qaaday ciidanka qaranka Somaliland iyo ciidankii la socday Guddoomiyaha gobolka Badhan oo intuu soo gaadhayay ciidanka qaranku iska difaacay.”

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay.

“Maamul goboleedka Puntland in badan ayay  dalka  Somaliland ku hayeen faro galin  oo ay ku soo xad gudbayeen ,taas oo aanu in badan ka indho qarsanaynay Nabedgalyadu  dadka  oo dhan ayay dan u tahay  Puntland  in aanu  nabad ku wada  noolaano   ayaa  Wanaagsanad.laakiin    way   garan  waayeen  waxaana  ka  Masuul  ka  noqonaya  waxa  halkaa ka  dhacay  ciddii la  tamid  Daandaansiga  qaawan  ee  is  daba  jooga  ah  oo  aan mar  ahayn oo laba  ahayn oo aan  saddex ahayn,dulqaad  badan  ayaanu ka  muujinay  anaga  oo  eegayna   Deegaanka    Duruufihiisa.”

Wasiir ku xigeenka oo ka hadlayay weerarkaas iyo qasaaraha ka dhashay,ayaa yidhi. “nin aya dhankooda ka dhintay dhanka Somaliland wax qasaare ah oo na soo gaadhay ma jirto.”

 

Waxanu intaa ku daray in bulshada deegaanka iyo xukuumaddu ka midaysan yihiin in dalka laga difaaco duulaan kasta oo kaga yimaada cid kasta  oo dadka iyo dalka cadaw ku ah,waxaanu yidhi. “Xukuumadda Somaliland mashaariic kala duwan oo hurumarineed ayay ka wadaa gobolka Badhan, imikana waxaa laga fuliyay sadex mashruuc oo waawayn oo ay ka mid yihiin caafimaadka,waxbarasha iyo biyaha waxaanu hadda dayactirnay oo dhammaatay wadada isku xidha Laasqoray iyo Badhan,dadka deegaankuna way ogyihiin in Somaliland ay deegaanka ka wado horumar iyo nolol isla markaana way ogyihiin in MaamulkaPuntland uu u socdo laba qodob oo kala ah dhul ballaadhsi iyo in ay khayraadka dhulka boobaan taana ka yeeli mayno oo xukuumadda ayaa ka mausuul ah dalka iyo dadka cid kasta oo cadaw ku ahna waan ka difaacaynaa,imikana maleeshiadii weerarka soo qaaday ciidanka qarankaayaa tallaabo ka qaaday waxaanay fursadkii ku tageen Boosaaso waxaanan ugadigaynaa  Maamulka Puntland in ay mar dambe Somaliland xuduudkeeda ku soo xad gudbaan.”

 

Leave a Reply