Wasiirka Hawlaha Guud oo Eedeeyay Hass Petroleum iyo Shirkadda oo Iska Difaacday

0
481

Qore  Saciid Cagjar

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Shirkadda Shidaalka ee HASS Petroleum ku eedaysay inay Maalgeliso Maleeshiyo beeleed  dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaanka Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud ee Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dad asalkoodu yahay reer Buuhoodle iyo Shirkadda HASS Petroleum ay Maalgeliyaan Jabhad ka soo horjeeda Somaliland oo Toddobaadyadii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada Buuhoodle iyo Carro-weyn.  “Waxaanu ogahay Rag Caawiya oo inta badan Xamar uga shaqayso, waxa ka mid ah Nin la yidhaahdo Horushoof oo asalkiisu reer Buuhoodle yahay, waxa ka mid ah Niman kale oo illaa hadda aan soo shaac bixin oo lagu xamanayo, kuwaasi oo ay ka mid tahay Shirkadda Shidaalka ee HASS inay Maal-geliyaan, iyagoo weliba Ganacsato ah.” ayuu yidhi Wasiir Qambi

Dhinaca kale  Maamulka Shirkadda HASS Petroleum ayaa iyaguna beeniyey Eedda uu u jeediyey Wasiirka Hawlaha guud, waxayna sheegeen haddii uu Wasiirku keeni waayo caddayn eeddaa la xidhiidha inay sharciga la tiigsanayaan.

 

Leave a Reply