Denbiyada Iyo Shirqoolada Lagu Wareeray!

0
1101

Baadhista adag iyo wareerka ka haysta booliiska denbiyada ogaada ee dalal horumarka sameeyay ayaa noqotay hal xidhaale aan weli la furfuran. Waxaa yaab ku noqday markii dad badani marka ay ku jiifaan furaashka geerida ee ay sakaraadayaan ay qirtaan dad ay dileen ama warbixin ay  hayeen oo muddo dheer ka aamusnaayeen sida adil , ay iyagu geysteen ama ay ogaayeen dadka ama hay’adda fulisay.

Qirashada wakhtigan ayaa waxa sababaya aan ilaa hadda la fahmi Karin, madaama aanu horeba u sheegin. Waana halka Somaliduna ka tidhaa “ Dhiigu isma qariyo”. Haddaba dhacdooyinka soo socda ayaa ah kuwa dhamaantood noqday kuwo naxdin leh markii ay qirteen inay dadkaasi nolosha ka quustay ahaayeen kuwii ka danbeeyay dilal loo maaro waayay cidda geysatay iyo halkii ay ku danbeeyeen, waana arrin yaab k abuurtay baadhayaasha casriga ah ee ku faana cilmiga iyo qalabka casriga ah.

Aniga Ayaa Dilay Jimmy!

Ninka Maraykanka ee lagu magacaabo James Brower ayaa u baxsaday gobolka Tennessee sanakii 1977, markii lagu tuhmay inuu dilay nin jaarkiisa oo la odhan jiray Jimmy Carroll. Waxaana uu nolol cusub ka bilaabay Oklahoma isagoo magaciisna bedelay oo la baxay mid cusub. Haddaba markii uu James uu ku dhuftay xanuunka Storke (dhiig karka), isagoo ku jira isbitaalka ayuu gabadhiisa si hoose ugu qirtay inuu dilay Jimmy, isagoo yidhi “ Waxaan doonayaa in la aqoonsado ninkaasi in aan anigu dilay ka hor inta aanan dhiman. Waxaana ay u sheegtay booliiska. Waxay  ahayd sir ku cuslayd damiirkiisa oo ku kaydsanayd muddo 30 sano ah, wakhtigan waxa dhamaatay inay ku sii jirto laabtiisa dunida ka sii libidhaysa.

Maydkiisii Talaajada lagu Qariyay !

Ka dib markii ay muddo sanado ah lamaanaha John iyo gabadhiisa Kelly uu muran xoogan ka dhexeeyay, ayay maalintii danbe gabadhu go’aansatay inay disho. Isla markii uu guriga yimi ayay rasaas madax kaga dhufatay oo uu halkaasi ku dhintay. Laakiin maydkiisa ayay ku riday qaboojiyaha, halkaasi oo uu maydku yaallay muddo 7 sano ah. Booliiska ayaa ku daalay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, raq iyo ruuxna aan waxba ka ogaanin.

Caruurteedu marka ay weydiiyaan aabahood waxa ku dhacayna waxay ugu jawaabi jirtay waxa jiidhay gaadhi oo wuu dhintay. Sanadkii 2004 , wakhtigaasi oo uu si xun hayay xanuunka kansarka naasaha ayay u sheegtay inanteeda ay dhashay ee weynd. Inanta aya booliiska u yeedhay waxayna ka heleen maydkiisa talaajad wax lagu kaydiyo oo taallay qolka istoodhka  guriga oo ku yaallay Californiya taasi oo aan cidina si joogto ah u isticmaalin lagana kaaftoomay. Markii Booliisku fureen Talaajadda Waxay ka heleen jidhkii ninkeedii John oo gebi ahaanba barah fadhiistay noqday.

Leave a Reply