Daawada Bararka Unugyada Maskaxda

0
1101

Geedka Rumaanka ayaa dawo ka noqday bararka ku yimaadda unugyada maskaxda sida ay  cadeeyeen koox ka tirsan Jamaacadda Huddersfield ee dalka Ingriiska.

Koox khubaro oo jaamaacdda ka tirsan ayaa baadhis ku sameeyay midho ka mid kuwa Rumaanka , kuwaasi oo si rasmi ah u cadeeyay inuu unugyada maskaxada ka sakow uu waxtar weyn u leeyahay meelaha laabatooyinka jidhka .

Sida warbixintu cadaysay Romaanka ayay wakhtigan si weyn u isticmaalaan dhakhaatiirta  qaabilsan unugyad iyo muruqyada.

Daraasad iyadana ay sameeyeen koox dhakhaatiir Ingiriis ah ayaa cadaysay in Liin macaantu ay waxtar weyn u leedahay dhinaca caafimaadka qofka. Waxaana ay intaasi ku dareen inay ku badan tahay  Vetmin C, taasi oo faa’iido weyn u leh hargabka ama duriga,

Daraasaddu waxa kale oo ay sheegtay inay Liintu xoojiso difaaca jidhka ee qofka iyo weliba inay ka kaalmayso difaaca jidhka in fayraska soo gala jidhka iska saaro.

Dhakhaatiirta ayaa intaasi raaciyay in  Liinta iyo Tufaax labaduba ay dawo uga yihiin dumarka kansarka ku dhaca ugaxan sidaha. Dhakhaatiirta aya sugay in cuntaada ay ku jirto flavonoids ay tahay tan lagu daweeyo kansarka ugaxan sidaha, sidaa darteedna flavonoids ay ku jirto kuna badan tahay Tufaaxa iyo dhamaan noocyada liinta.

 

Leave a Reply