Hooyo haysta laba Wiil oo muddo 12-sano ah Xannuusanaya iyo Qaylo-dhaan ay Bulshadda u Dirtay

0
1130

Hargeysa (Dawan) Hooyo Foosiyo Muxumed Axmed, waa hooyo ku nool magaalada Hargeysa oo haysta laba wiil oo muddo 12-sano ah xannuusanayey.
Labadan carruura oo qaarka danbe ka kici karin ayaa xannuunku halleelay markii ay dadoodu aheyd afar jir, sida ay sheegtay hooyo Foosiya.
Hooyo Foosiya waxaa ay noo sheegtay in labadan wiil ay u geysay Dr. Gaboose iyo Dr. Cabdiraxmaan oo aqoon u leh xannuunadda carruurta, islamarkaana ay labadooduba u sheegeen in aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karrin.

“Cidii wax-na-tari kareysa hana tarto ILLAAHEY-ba awood leh. Labada wiil anaa dhalay muddo imika 12-sano ayay bukeen, wax dhakhtara oo intii itaalkeyga ahaa aan geeyeyna waxaa jiray Gaboose waxaanu yidhi ‘Dalka waxba lagagama qaban karro’.
Dr. Cabdiraxmaan Diyee, isna carruurta waan u geeyay waxaa uu yidhi waxba dalka lagagama qaban karro, marka sidaasi ayay mudadda 12-sano ah ku bukeen.
Wax awood dhaqaale ah oo aan meel ku geeyana waan waayay oo aan dhakhtar dibadeed ku geeyo”Ayey tidhi hooya Foosiya Muxumed Axmed oo la murugeysan xannuunka daashaday carruurteeda oo iyadda lafteedu imika isku buuq ka qaaday, xannuunka la dariska ah labadeeda wiil.
Geesta kale hooyo Foosiya Muxumed Axmed, ayaa baaq u dirtay guud ahaanba dadka Muslimiinta ah ee awooda leh inay ILLAAHEY SWT dartii u soo caawiyaan.
Waxaaney xustay in haba yaraate wax dhaqaale ah oo ay cisbitaal ku geyso ama waxay cunaan u siiyo aanay awoodin, sidaasi darteedna dadka kheyrka jecel ay soo caawiyaan.
Hooyadani iyadda oo mar kale arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi “Wax awood dhaqaale ah aan adeeg caafimaad kula raadiyo imika ma hayo, wax ILLAAHEY ii danbeysiiyo mooyaane, wax awooda oo ay leeyihiin oo ay wax ku qabsan karayaana ma jiro, haday Suuliga (Musqusha), haday cunto la siiyo tahay, haday jiif tahay, haday soo saaro fadhiisin tahay wax walbana aniga u qabta ee ILLAAHEY dartii haley caawiyo si aan goobaha caafimaadka aan kagala soo quusto”
Cidii ILLAAHEY dartii u caawineysa hakala xidhiidho telefoonka gacanta ee 0634179086

Halkan ka Daawo

 

Sawirka Hooyo Foosiya oo mudo laba iyo toban sano xannuunsanaya heysta sheegtayna inay weyday awood dhaqaale oo ay ku geyso dhakhtar

Leave a Reply