Maraykanka iyo Taliban oo heshiiyey

0
564

Maraykanka iyo Taliban ayaa kala saxeexday heshiiskii u horeeyey oo looga golleeyahay in jidka loogu xaadho nabadda Afghanistan kaddib 18 sano oo dagaallo ah.

Mareykanka iyo xulafadiisa Nato aya isku raacay inay ciidamadooda kala baxaan waddankaasi, 14 bilood gudahood haddii ay jihaadiyiintu oggolaadaan heshiis nabaddeed.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo iyo hogaamiyaasha Taliban ayaa ka qeyb galay xaflad heshiiska lagu saxiixay oo ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qadar.

Sida ku xusan heshiiska lagu saxiixay Doha, Taalibaan waxay kaloo ogolaadeen inaanay u oggolaanin al-Qaacida ama koox kale oo xag-jir ah inay ka shaqeeyaan aagagga ay ka taliyaan.

Mareykanka ayaa weerarey Afghanistan asbuucyo kaddib weerarkii 11-kii Sebtember 2001 ee ay geysteen kooxda al-Qaacida ee fadhigeedu yahay Afghanistan dalkaasi.

In ka badan 2,400 oo ciidamada Mareykanka ah ayaa la diley intii uu socday iskahorimaadkaasi.
In ku dhow 12,000 Askari oo ameerikaan ah ayaa wali ku sugan dalkaasi.
Madaxweyne Trump ayaa ballan qaaday inuu soo afjari doono khilaafkaas muddada dheer socday.

Leave a Reply