Maayarka Laascaanood Oo Dhiirigaliyay Mutadawaciin ka howlgalay Nadaafada Magaalada

0
1261

Laascaanood(Dawan)-Maayarka Degmada Laascaanood islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmadaasi Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa ku dhiirigaliyay, Qaar kamid ah dhalinyarda iyo Bulshada Magaalada Laascaanood, kadib markii ay qaab mutadawacnimo ugaga hawlgaleen nadiifinta iyo hagaajinta bilicda jidka Wadnaha ee gudaha Magaalada.

Maayarka oo ka hadley talaabaddan, ayaa sheegay in guud ahaanba Bulshada Gobolka iyo inta kunool Gudaha Magaalada Laascaanood, looga baahan yahey in ay ku deydaan kooxdan isugu jirra dhalinyaradda iyo Ganacsatada Magaalada Laascaanood ee sida wadannimada leh uga hawlgaley ololaha Nadaafadeed oo ay ka gureen qashinkii yaaley jidadka iyo hareerihiisa islamarkaana,ay ka maamul ahaan iyo D/hoose ahaanba la barbar joogsan doonaan kaalintooda iyagoo ku abaal marinaya sida mutadawcnimada ah ee ay waajibaadkan u guteen.

«Waxaanu ku abaalmarin doonaa kaalinta ay dhalinyaradan iyo Ganacsatadan meheradaha yaryar ku haysta Magaalada Laascaanood, sida muwaadinnimada leh iyo mutadawacnimada ah ee ay uga gureen Khashinka Magaalada hareeraha jidka weyn ee Shaaraca Magaalada iyadoo talaabadani Tusaale u ah shacabka kalena in ay kaga deydaan waan ugu baaqayaa Guud ahaanba Bulshada kale in ay siddan ugaga hawlgalaan nadaafada guud iyo ururinta iyo xaadhista khashinka sababtoo, ah Nadaafadu Waxey qeyb ka tahey Caafimaadka Bulshada,Waxa kale oo ay qeyb ka tahey Nadaafada iyo bilicda Magaalada Laascaanood,Waxay cashar u tahey in dadweynuhu iska ilaaliyaan oo dhawraan khashinka in laga fogeeyo jidadka iyo Magaalada gudaheeda oo la geeyo goobaha loogu talagaley, si dhibaatadiisa iyo foolxumadiisaba looga nabedgalo»Ayuu yidhi Maayarku.

Waxaanu hadalkiisa intaa ku darrey in qorshayaashooda Golaha Deegaanka iyo Kan fulintaba ilaalinta khashinka iyo doorka ay Bulshadu ku leedahay noqon doonto mid joogto ah oo olole balaadhan oo bulshadu ka qeyb qaadan doonto lagaga hawlgali doono maalin kamid ah Toddobaadka.

Geesta kale dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa, Maayarka iyo Golihiisa Deegaanka Degmada ku bogaadiyay Dabdamiska iyo hawlagalada ay ka fuliyeen bakhtiinta masiibada dabka qabsada Guryaha iyo Wixii la halmaala iyadoo siweyn loogu mahadiyay hawlgalkii dabdamiska laascaanood ku bakhtiiyay dabkii qabsadey dhuldaaqsinta Xargaga iyadoo awal hore baahi weyn loo qabey.

Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood ayaa dedaal badan oo dhinaca Arimaha Bulshada ah kaga qeyb qaatey arimo door ah oo ay Shacabku soo dhaweeyeen sanaidihii u dambeeyay taas, oo aaney awal hore uga jirin Degmada Laascaanood.

Leave a Reply