Somaliland: Wasaaradda Diinta Oo Shaacisay Shuruudaha Tartanka Quraanka Kariimka ah

0
678

Hargeysa (Dawan): Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa shaacisay inay qabanayso tartanka Quraanka Kariimka ah oo loogu diyaar-garoobo tartanka Caalamiga ah ee Quraanka oo ka dhici doona dalka Jabuuti.

Marka la gaadho bisha Barakaysan ee Ramadaan sannadkan lagu qabanyo Dalka Djibouti, kaasoo lagu casuumo Arday ka socota dalalka Carabta iyo Afrika oo ay Somaliland-na ka mid tahay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan qabanayaan tartanka Quraanka Kariimka ah.

Waxaanu   tilmaamay in Ardayda ku guulaysata tartanka ee Somaliland ee Wasaaraddu qabanayso dhawaan.

Dhinaca kale, Agaasimaha Waaxda Masaajidada iyo Madaarista ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, ayaa sheegay in guddi aqoon dheer u leh Qur’aanka Kariimka ah loo saaray tartanka.

Waxa uu Sheekh Maxamed ammaanay Macallimiinta Maddaarista ee iska diiwaangeliyay Wasaaradda, isagoo ugu baaqay kuwa aan weli iska diiwaangelin Wasaaradda inay is diiwaangeliyaan.

 

Daawo Masuuliyiintaasi Oo Tartankaasi Shaacinaya:

 

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply